http://www.laasqoray.net/view_article.php?articleid=260 PUNTLAND OO HAL IYO EBER KAGA BADISAY KOOXDII SOMALILAND IYO WARARKII UGU DANBEYSEY
Dhahar:- Dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa waxa lagu soo waramayaa in ciidankii Puntland uu ka xoog roonaaday ciidamadii Somaliland oo meel ay cagta dhigeen la garan waayey iyagoo ay jiraan warar badan oo is khilaafsan oo kasoo baxaya meesha ay ku sugan yihiin.
Xeradii ay degeen ciidanka Somaliland ayaa hadda waxa ku sugan ciidanka Puntland, iyagoo dhammaan ciidankii Somaliland ay ka tageen degmada Dhahar, ayna hadda ku sugan yihiin meelo aan sidaas uga fogeyn magaalada Ceerigaabo, oo ay halkaas dib ugu gurteen.
Khasaaraha ayaa waxa lagu soo waramayaa in ciidanka somaliland ay ka dhinteen labo nin, midkoodna lagu aasayo magaalada Dhahar kadib markii ay ka carareen, kan kalena waxa meydkiisa loo qaaday dhanka Ceerigaabo. Waxaa iyana dagaalkaas kaga dhaawacmay labo nin oo la sheegay in dhaawacyadoodu sahlan yahay.
Masuuliyiintii la socotey ciidankaas ayaa weli ku sugan magaalada Dhahar, maadaama ay kasoo jeedaan degaanka Dhahar. Kuwaas oo kala ah Maxamuud Siciid oo ah wasiirka sport-ga somaliland iyo baar siciid oo ka tirsan barlamaanka Somaliland.
Dhanka Puntland ayaa waxa lagu soo waramayaa in hal baabuur khasaare la gaadhsiiyey, hase yeeshee wax dhaawac iyo wax dhimasho ah lama soo sheegin.
Masuuliyiintii Puntland ee xalay kasoo kicitimay dhanka boosaaso ayaa ku sugan magaalada, wararkii sheegayey iney magaalada ka bexeenna waxay ku micneeyeen iney kormeer ugu bexeen xeryaha ay ciidamadu qabsadeen.
Inkastoo dadku si weyn uga biyo diidsan yihiin dhanka Puntland, sababtoo ah dadku waxay xusuusanayaan dhacdadii sanadkii hore ee Majayahan oo aan weli laga heshiin. Guryaha magaalada qaar ka mid ah ayaa rasaastu waxyeello u geysatey, hase yeeshee dadweynaha wax dhibaato ah oo soo gaadhey majirto, sababtoo ah dagaalka ayaa ka dhacay meel ka baxsan magaalada , sidaasna aan uga fogeyn.
Weli waxa socda gurmadka labada dhinac , cid dhex-dhexaad ah oo ka hadashayna ilaa hadda ma jirto.
LAASQORAYNET + DHAHAR.COM