Ciidanka Qaranka S/land ee jiida Sanaag oo Dhahar ka caydhiyay Maleeshiyaad Ka yimi Boosaaso
--------------------------------------------------------------------------------
(Cidanka qaranka ee Gobolka sanaag oo eryaday maleeshiyaad ka yimi Boosaaso)
hadhwanaag 2007-04-09 (Hadhwanaagnews) Ceerigaabo(HWN) Maleesiyaad ka yimi dhinaca Boosaaso oo saaka weerar ku soo qaaday ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay degmada Dhahar ee somaliland , aaya halkaasi laga caydhiyay markii ay weerar ku soo qadeen ciidanka qaranka ee degmadaasi.
Sida ay sheegeen goobjogayaal ku sugan Degmadaasi maleeshiyadka ka yimi dhinaca Boosaaso waxay saaka ku Waabariisteen duleedka degmada dhahar iyagoo doonaayay in ay weerar ku soo galaan degmadaasi goor uu halkaasi ku sugnaa wafti Balaadhan oo ka socday dhinaca Somaliland oo uu hogaaminayaya Wasiirka Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, wasiir ku xigeenka Dib udejinta, Mudane C/xakiin Garaad iyo xildhibaano badan oo halakasi ku sugnaa, balse ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay degmadaasi iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi ayaa sutida uqabtay. iyadoo halkaasi dagal ku dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka majeerteen ee soo duulay.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed X Daahir Cilmi ayaaa shir jaraaid oo uu saaka ku qabtay Xafiiskisa ka sheegay in dhanka ka soo horjeeday ay Laba gaadhi oo tiknikaa kaga qabsadeen dagaalkaa dhexmaray Maleeshiyaadka ka yimi dhinaca Boosaaso sido kalena ay ka dileen hal askari iyagoo tira kalena ka dhaawacay
Wariye Cabdisalan ilkacase
Hadhwanaag/Reporter
ilkacase1@hotmail.com