1 JSL dead and 6 Puntland dead....
Wararka ka imanaya dhinaca gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaalkii ka
dhacay Magaalada Dhahar ee ka tirsan G/Sanaag uu joogsaday,oo hada xaaladu
degan tahay,Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo laba wasiir u dawle iyo
xildhibaan Baar siciid oo ka mida xubnaha wakiilada somalilans ay hada ku
sugan yihiin magaaladaasi kuwaasi oo kulamo la leh Madaxdhaqameedyada
degaankaasi.dagaalkii maanta ka dhacay ayaa waxa dhinaca ciidanka qaranka
Somaliland kaga dhintay hal askari ,sadexkalena way ku dhaawacmeen,halka
maleeshiyada puntland laga qabtay baabuur qori saaran yahay iyo sadxe
maxbuus,lixkalena laga dilay.dagaalkan ayaa ka dhashay markii wasirka
ciyaaraha iyo xubnaha la socday ay is ku dayeen in laga horjoogdsado
degaankii ay u dhasheen ka dibna saldhiga todobaad ee ciidanka qaranku uu ka
ruqaansaday fadhigiisi halkaana uu casharo ugu dhigay maleeshiyadii
Puntland, guutooyin ka tirsan ciidanka qaranka ee aaga bari ayaa ilaa galabta
ku sii jiiday jiidaasi kuwaasoo la sheegayo inay hada gaadheen
goobtaas,dhinaca kale ciidanka qaranka ee jiida adhicadeeye ayaa la galiyay
heegan culus,sidoo kale afar iyo toban wasiir oo ka mida xukumada ayaa
haatan ku sugan Magaalada Ceerigaabo,waxayna maanta dadweynaha kala hadleen
fagaaraha khayriyada ee Ceerigaabo.




