Postby highclass » Sat Apr 14, 2007 6:20 pm
Somaliland got Karbashed....
Latest from Sanaag
Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan Dagaalkii galabta ka dhacay Dhahar.
Badhan:-Galabta ayey ahayd markii Dagaal xoogan uu dhexmaray Jabhadii soo weerarka tagtay ee SNMta iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland kuwaas oo 3 meelood ka soo weeraray Jabhadaa taasuna waxay ku riday Argagax iyo xagee u cararaa,hadaba waxaan halka idinku soo gudbinaynaa wararkii ugu danbeeyey ee soo gaadha allsanaag.com.
Xingalool:-Caawa fiidkii markii aan la hadalnay Xingalool waxaa naloo sheegey in 9 gaari ay dhefeen magaalada kuwaas oo carar ahaa 8 ka mid ah waxay magaalada ka mareen dhinaca Koonfurta kuwaas oo socodkooda laga dareemayey Argagax mid ka mid ahaa 9 gaadhi wuxuu soo dhexmaray magaalada halkas oo Rasaas lagu furay lamana garanayo waxa gaaray.
Dhahar:-Isla caawa mar uu noo galay Talefoonka Degmada Dhahar waxaa naloo sheegey in Wasiiro ka tirsan SNMta ay ku jiraan Guri ka mid ah guryaha magaalada kuwaas oo dusha ay ka ilaalinayaan Ciidamada Daraawiishta lamana ogaan karo inta ay yihiin,waxaa jira dadaal ay wadaan Odayaal kuwaas oo raba in aan waxba la yeelin wasiiradaa.
Dhahar:-Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaas waxaa ka mid ahaa Madfac ku soo dhacay guri ku yaala meelihii dagaalku ka bilowday waxaana ku dhaawacmay Gabadh yar,dhinaca Jabhadii so weerarka tegey ayaa la ogaan karin waayo Ciidamada Daraawiishta ayaa dhawac iyo Maydad kala duwan keenaya kuwaas oo laga soo helayo meelihii dagaalku ka dhacay.
Buraan:-Waxaa magaalada Buraan oo u jirta Degmada Dhahar masaafo dhan 90 kilomiter ka soo baxay Ciidamo xoojinaya kuwii hore ugu sugnaa Dhahar lamana garanayo Tiradooda.
Puntland:-Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ayaa caawa ku sugan gobolka Sanaag gaar ahaan Dhahar,waxaana ka mid ah Carays,Goroyo Cawl,C/laahi Cumar,waxaana la sheegayaa in beri ay halkaas soo gaari donaan madax kale oo ka tirsan maamulka.
Guud ahaa Gobolka:-Waxaa ilaa xalay gobolka ka da,ayey Roobab Lixaad leh kuwaas oo hada dhibaato ku haya Jabhadii maanta lagu jebiyey halkaas waxaana la sheegayaa in in badani ay ka carareen Gawaadhidii ay wateen halkaas oo ay halis ugu jiraan in Reer Miyigii ay helaan iyaga oo dhuundhuumanaya.
Wixii ka soo kordha waxaad kala socotaan Bahda allsanaag.com
Bahda allsanaag.com