Postby Enemy_Of_Mad_Mullah » Sat Apr 14, 2007 7:13 pm
Kumanaan kun oo ciidamada Somaliland ah oo caawa fiidkii ka baxay Hargaysa iyo Burco
Wararka ay noo soo dirayaan wariyayaashayda nooga soo warama magaalada Hargaysa iyo Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer, ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in 07:00 Fiidnimo ee caawa ya ka baxeen Guutooyin ka tirsan Ciidamada Qaranka JSL, kuwaasi oo dadka Magaalada Burco ku nooli ay aad u dareemen dhaq-dhaqaaqooda iyagoo wadada badhtamaha dhex marayay, ciidamadani oo watay baabuur aad iyo aad u tiro badan oo ah nooca tikinkiada noocyadooda kala duwan, ciidamdan ayaa ku sii jeeday agaga ciidamdu fadhiyaan ee gobolka Sool iyo Sanaag
Dhanka kalana wariyaha nooga soo warama magaalada Hargeysa Caasimadda JSL, ay sheegayaan in kooxo Guutooyinka Ciidamada JSL ay u dhaqaajiyeen dhanka gobolada bariga ciidamadan oo ilaa Lix kun oo askari kor u dhaafaaya ayaa waxa ay ku gashaanaayeen hub waawayn oo casri ah iyo gadiidka ciidamada oo aad u faro badan iyadoo aad looga dareemay Ciidamada ka baxay Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo u badan Baabuurta Gaashaaman ee Ciidamada ha u badnaadeen Guutada Beebeeyada oo aad u farabadan guuxooduna is xidhay Magaalada, Tikniko Farabadan, Saad iyo Ciidan farabadn oo Baabuur Saaran, markay fiidkii Magaalada soo dhexmareen ayaa mar qudha mashxarad iyo sacab dadku ku sagootiyeen iyadoo uu waryihayagu noo sheegay in Saraakiishii Taliska Ciidanka Qaranka ee Hargeysina ay hor kacayeen.
Xukumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadan iyo hubkani ay ku biirin doonto ciidamadii iyagu hore ugu sugnaa aagaga bariga Somaliland, xiligani ayaa xukumada Somaliland waxa ay sheegtay in ay soo dhamaatay dulqaadkii iyo digniinihii la siinaayay ciidamada Puntland ee ka soo gudbaayay soohdinta ay Somaliland la wadaagto Somaliya, sida lagu wado ayaamaha soo socda waxa ay ciidmada Somaliland lagu wadaa in ay fadhiisino cusub ka samaystaan xadka lala wadaago Somaliya, sidoo kale waxa ciidmo kale ayaamaha soo socda ay ka ambabaxi doonaan gobolad kale ee dalka, ciidmada Somaliland ayaa hada waxa loo dhameeyay dhamaan adeegyada ay u baahnaayeen oo dhan waxa ayna dagaalami karaan wakhti dheer sidaasi waxa yidihi sarkaal ka mid ah ciidmadada qaranka.
Dagaaladii maanta ay soo qaadeen ciidamada Puntland ee ka dhacay duleedka Dhahar ayaa ay kala kulmeen guul daro iyada oo loo gaystay khasaare laxaadleh, isla markaasina dib loo celiyay, magaalada Dhahar ayaa caawa nabdoon oo gacanta ugu jirta dawlada Somaliland