wallee you suffer of the disease majerteen phobia
what about WardheerNews
Labada dhinac ee ku dagaalamaya Dhahar oo soo
saaray warsaxaafadeedyo isburinaya
WardheerNews, April 14, 2007 (WDN) - Warsaxaafadeedyo iska soo horjeeda ayaa caawa ay wasiirada warfaafinta ee Puntland iyo Somaliland ka soo saareen dagaal culus oo galabta ku dhex maray ciidamada labada maamul degmada Dhahar.
Wasiirka warfaafinta ee maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed ayaa war saxaafadeed uu caawa ka soo saaray dagaalkii galabta ku dhex maray ciidamadooda iyo kuwa Somaliland sheegay in ay guullo ka soo hooyeen dagaaladaas.
Waxa wasiirku uu warsxafadeedkaas ku sheegay in ciidamadoodu ay khasaare laxaad leh u geysteen ciidamada Somaliland. Kuwaas oo uu sheegay in ciidankoodu ay gacanta kaga dhigeen 3 gaadhi,

5 baabuurta dagaalka ahna ka gubeen

. Waxa kale oo warsaxaafadeedka wasiirku uu intaas ku daray in gebi ahaanba magaalada Dhahar ay ciidamadoodu ku hareeraysan yihiin, gacantoodana ay ku jirto.
Dhinaca kale wasiirka warfaafinta ee Somaliland Axmed X. Daahir oo isna caawa warsaxaafadeed kooban ka soo saaray Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada Somaliland oo deggan meel u dhow degmada Dhahar ay laba jiho ka soo weerareen ciidamada Puntland. Kuwaas oo uu sheegay in ay iska daafaceen, dibna u caydhiyeen.
Warsaxaafadeedka wasiirku waxa uu intaasi ku daray in ciidanka Somaliland khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ay u geysteen kuwa Puntland. Khasaarahaas oo ku sheegay in ay qabteen laba baabuur oo ah kuwa dagaalka, midna ka gubeen ciidamada Puntland.
Wararka xukuumadda Somaliland laga helayo ayaa iyana sheegaya in dagaalkani dhacay iyada oo ay maanta degmada Dhahar gaadheen 10 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland. Kuwaas oo oo ka soo ambabaxay magaalada Ceerigaabo oo ay ku sugnaayeen malmihii la soo dhaafay. Ma jiraan war madaxbannaan oo sheegaya in wasiiradaasi ay weli ku sugan yihiin magaalada Dhahar iyo in kale. Hase yeeshee waxa wasiirka warfaafinta ee Somaliland uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in magaalada Dhahar aanay waxba ka dhicin, weftigii Somalilandna uu halkaa ku sugan yahay.WardheerNews
Waxa ay labada dhinacba sheeganayaan in gacanta ay ku dhigeen tiro aanay cayimin oo ah askar maxaabiisa. Ma jiraan warar madaxbannaan oo ka warramaya dagaalada iyo sheegashada labada dhinac.