Postby Ceelgabo » Sat Apr 14, 2007 9:20 pm
Thanks to Puntlands meddling in SOmalilands territory.. the incompetent Riyale is forced to unleash Somaliland army to recapture every inch of Sanaag and soon Sool...
Apr 14: Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo kulul Kaga Jawaabay weerarkii Maamulka Majeerteeniya Ku soo Qaadeen gaadhsiiyeyna Dhaawac iyo Qabsiba
Hargeysa - Ciidamada Jiida Hore Somaliland ku sugan ayaa dhirbaaxo kaga jawaabay weerarkii ay Maamulka Majeerteeniya Galabta ku soo qaadeen isla markaana gaadhsiiyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira Baabuurna kala wareegay, sida waxa caawa xaqiijiyey wasiirka warfaafinta Somaliland Md, Axmed Xaaji Daahir Cilmi. War ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md,Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa daboolka ka qaaday galabta markay saacadu ahayd 4:00 galabnimo ay maleeshiyada Majeeryeeniya weerar ku soo qaadeen laba goobood oo ay ku sugnaayeen Ciidammada Qaranka Somaliland.kaas oo ah wada laamida ah ee u dhaxeysa Somaliland iyo Soomaaliya si ay rabshado u abuuraan.
Warku waxa uu intaa ku daray inay Ciidamadda qaranka Somaliland ay dhirbaaxo Kaga jawaabeen weerarka maleeshiyada Majeerteeniya ku soo qaaday, isla markaana ay gaadhsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa kale oo wasiirka warfaafintu sheegay inay Ciidanka Somaliland ka qabsadeen Ciidanka Puntland laba baabuur, Isla markaasina ay cagta ku dhigeen maxaabiis dagaal basle aanu faahfaahin ka bixin tiradooda maxaabiistu inta ay tahay.
Dhinaca wararka iyaguna ka imanaayaa degmada Dhahar ayaa sheegaayaa inaanay wax dagaal ahi ka dhicin weftigii wasiirada ahaana ay ku sugan yihiin.
Sidoo kale degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxa ku sugan wasiir kuxigeenka hawlaha Guud Md, C/rashiid Ducaale Qanbi xildhibaano saraakiil isugu jira Ciidanka Booliska iyo kuwa qaranka ku waas oo hawlo ka wada halkaasi waxaana la sheegayaa inay halkaasiku soo dhaweeyeen dadweynaha iyo Cuqaasha Buuhoodle oo casuumad balaadhan u sameeyey.