Iran oo sheegtay in dagaalka Muqdisho uu ka dambeeyo Mareykanka.
Tehran, April 26, 2007 (Karbaash News) — Dowlad Islaamiga ee IRAN ee lagu yaqaan inay indhaha ka qarsan dhibaatooyinka lagu hayo dadka Muslimiinta ah ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Muqdisho ka socda oo ay wadaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Majeerteeniya ay ka dambeyso Dowlada cadowga Islaamka ee Mareykanka.
Mohamed Ali Hosseini Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa sheegay inay iyaga ogyihiin cida dhibka ku heysta nabadda Somalia , waxuuna sheegay inay taageeri doonaan xoogaga Hawiye si ay ugu guuleystaan ciidamada duleysan ee Itoobiya.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran waxuu sidoo kale sheegay in dhawaan qalab Military ay soo gaarsiin doonaan xoogaga Hawiye ee Muqdisho ka dagaalamaya kuwaaso ku tilmaamay kuwa difaacaya dalkooda oo duli Itoobiyaan ah iyo dawa dhlif Majeerteeniya ay rabaan inay qabsadaan.
“Waxaan ugu baaqeynahaa ururada gobalka iyo kuwa caalamiga inay sameeyaan wax kasta oo lagu hakin karo qaska iminka ka taagan dalka Somalia, waxaana ugu baaqayaa dhinacyada Soomaalida inay dib ugu soo laabtaan miiska wada hadalka†ayuu yiri Hosseini.
Hosseini ayaa intaa ku daray in Iran ay diyaar u tahay inay ballan qaado caawimaad kasta oo loo baahan yahay si nabad iyo ammaan loogu soo celiyo dalka ay dagaalada bur buriyeen.
Hadalkaan kasoo baxay IRAN ayaa naxdin ku abuuray Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo horey ka bilaabay inuu eedeeyo IRAN balse Iran waxey ku adkeystay inay mar walba u taagan tahay taageerida Muslimiinta dhulman.




