Gabay Sixiroole Cabdulaahi Yuusuf.
24 April 2007 - Sixiroole " Gabay" Abdulahi Yusuf
Ragaa sibirta geela ah leh ee Hawiye solaya saantooda
Ragaa sooryo dhagareed galee xamar kusoo duulay
Sadkaagani inay doonayaan saa ha la ogaado
Saaxiib wanaag lagama helo ruux siloon qaba e
Sababtooda goortuu heluu saydhay nabadiiye
Wuxuu seegay waagii haduu sacab ku soo qaatey
Sanqadhbaa ku xidhan inuu saxee saa ha la ogaado
Sagaaloodka inuu saaran yahay saa hala ogaado
Sakaraadku goortuu ku heluu seegay nabadiiye
Kolna samafal loogama fadhiyin saancadaala e
Sixirkale inuu soo wadana saa ha la ogaado
Saqiir iyo kabiir buu rabaa inuu sargooyaaye
Sadaal fog inaan sii daynana saa ha la ogaado
Subixii yimaadaba dhawaaq soo baxaa jira e
Soomaalida dhibteedu rabaa inuu sargooyaaye
Sayntooda inuu jaruu rabaa subaxa maanta e
Hadaan samankan laga gaadhin reer saracii wuu goyne
Axmaarbuu dariiqyadii safoo saaqii wuu gaday e
Saxariir inuu maagan yahay saa hala ogaado
Saaxiibo jaan buu heloo saynta loo lulay e
Sabi iyo suleekhaba ma dayn saaka caliyow e
Saboolnimo ayuu soo darsaday sacabadiisiiye
Kolba sadaqad uu soo heluu seef ku soo gaday e
Sahwi baan ka qaado salaad oogi kari waaye
Sandulada Axmaardu waduu sacab tumaayaaye
Sida xoolo sayladi qashuu reerihi sarey e
Saldhig weeye xamar uu degiyo saylad oo kale e
Sakatida dadkeenii indhaha dhiig susubayaaye
Indhahooga siigada ku taal saxarka buuxaaye
Sahyuuniyad inuu maagan yahay saa ha la ogaado
Axmaarbaa sariir sare dhigiyo iblays sararo waaweyne
Ragii sinaha weynaa sidii gabadh sagaal joogti
Maantana sadkoogii Axmaar buu saldhigayaaye
Waa samays Ilaah doorshay iyo sabab inoo taale
Saxariir Inuu maagan yahay saa hala ogaado
Taariikhdu say qori murtidu waa sarbeeb kale e
Soomaal dadkii sheegan jiray sawdkii uu gabay e
Sawaariikh gumaadiyo rasaas geedkastaba saarye
Surmibuu ku dilay reerihii sooryo dhagareede
Sahyuuniyad inuu maagan yahay saa ha la ogaado
Kuma mooga samaroon Siciid wuu sahwiyaaye
Isaqii ma seexdaan hurdada samankan maantaa e
Soojeed ayaa lagu darsaday ciil la sara joogye
Ciiisahu dhamaantood surmiga soonkii muu jabine
Soomaalida kaleetana intii diinta gacan siisi
Ogaadeen sidiisaba horuu gaal sadqayn jiray e
Waa niman sagaal lagu dhaliyo geesiyaal sara e
Mareexaanku siday maagan yihiin sooma dirayaane
Kuwii sool dagaayiyo sanaag sawd kamuu imane
Majeerteen Axmaarbuu sitaa sidigla maalaaye
Taariikhdu say qori murtidu waa sarbeeb kale e
Soomaali waa laga ogaan siday ka yeeleene
Saxariir inay maagan yihiin saa hala ogaado
Sada kalena waa gabay kaloon sii wad leeyahaye
Suuradaha Ilaahay ninkii sahal ku sii dhaafa
Ninka saaca maanta ah kufriyey silic ku noolaaye
Isagiyo sanaawiga dhintuu silicu haystaaye
Taariikhda lama seegayee saa hala ogaado
Sidii aar sagaal qaday ugala surin walboo taagan
Soohdimahay maraayaan u dhiga miino salabaysa
Galka seefta kala soo baxoo surin kastoo jooga
Xabashidu sidii lagu yiqiin sahan ma yeeshaane
Marka sibirta lagu jiido way salax dhigaayaane
Surinada magaalada u gala oo saynta kaga qaada
Intuu xeebo soo dagi lahaa cadow saliib haysti
Sacabada intaad hoorsanleyd niman sadkaa qaatey
Saboolnimo ka raacoo dagaal culis kusii qaada
Haduu idinka go'o saaqu hooy gacanta saysadha
Sakaraad hadaad taagan tahay sinaha leexleexi
Saf haduu ka hadho reerihii sharaf ka sii raaca
Sadexdaa ma kala saarey hadal sado ah oo waara
Sooyaal sidii lagu yiqiin maysku daba joojey
Ma saafsaafay suugaantu waa saymo doog badane
Saqbadhkii intaan toosay saw ciil ma sare joogsan
Maandeeq nin laga soo dhacoo seexan baan ahaye
Masalalay sidii sabi hurdada oohin lagu seexshay
Sada kalena waa gabay kaloon soo gunaanadiye
Ka sal gaadhi maayaan dhibtee saqaf walba u fuula
Sadexagal markay soo galaan suuga ugu deeqa
Sabirlagu dagaalamo ma laha subaxa maantaa e
Subixii markay oogsadaan seef la kala booba
Saqda dhexe markay seextagaan holac kusoo tuura
Marna yey saldhigin reerahee surin walba u jooga
Sagaalkii abgaal iyo udira sacadkii xiimaayey
Caydhkuna ha sii wado jihaad seefta dhiniciisa
Soomaalida kaleetana intii Eebo garansiiyo
Diintooda yey siisan magac seeja sharaftooda
Mohamoud Abdulaahi Rooble
saylacnews




