Kismaayo: Qodobbo la isla gartay shirkii Kismaayo.
26. april 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Kismaayo(AllPuntland)- Shirkii magaalada Kismaayo uga socday wafdigii dawladda Soomaaliya iyo mid kamid ah odayaasha beelaha Kismaayo ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo dhowr ah.
Intii aysan qodobbadan soo bixin waxaa la isla la lafa guray waxyaabihii keenay in dagaalladu ka dhacaan magaalada Kismaayo.
Qodobada la wada gaaray waxaa kamid ah in odayaashu ay u hawl galaa sidii ay dib usoo celin lahaayeen dhammaan hubkii , saanaddii iyo isgaarsiintii kooxaha hubaysan ka bililiqaysteen xarumaha dawladda, In magaalada ammaankeeda ay dib ula wareegto dawladda federaalka, In dib danbe aan dagaal looga abaabulin Kismaayo iyo in dib ay magaalada Ugu soo noqdaan saraakiishii dawladda ee halkaasi ka tagtay.
Odayaasha shirka ka qayb galay ayaa sheegay in qodobbada ay soo jeedisay dawladdu ay soo dhawaynayaan.
Tikiniko , iyo saanad kale oo ay lahayd dawladda federaalka Soomaaliya ayaa gacantooda galay malleeshiyaadkii dhawaan magaalada Kismaayo la wareegay, taasoo qaarkeed dad shacab ah gacantooda kusii wareegay.
Iminka xaaladda Kismaayo waa daggan tahay , waxaana dadku ay wada sugayaan sida ay u hir galayaan qodobbada lagu heshiiyay.
CCC Farayaamo
AllPuntland
Related Articles





