Max'ed Dheere oo ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo.
Click here to find this article in english
Mogadishu 20, May.07 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere ayaa saakay ka badbaaday qarax lala beegsaday kolonyo uu watay agagaarka wadada siisi ee W/magaalada Muqdisho.
Max'ed Dheere, Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho
Qaraxaan oo dhacay abaarihii 7:10 subaxnimo ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyay Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada, Max'ed Dheere ka dib shir Jaraa'id uu ku qabtey xarunta gobolka Banadir.
" Waan ka badbaaday qaraxaan, waxaana uu ahaa shirqool dhicisoobay oo loogu talo galay in la igu qaarjiyo" ayuu yiri Max'ed Dheere oo ku eedeeyay kooxaha falkaan ka dambeeya ay yihiin waxa uu ugu yeeray haraadigii maxkamadaha islaamka.
Waxa uu sheegay in ilaaladiisa ay ku guuleeysteen in ay dilaan ninkii qaraxaasi ka dambeeyay oo uu sheegay in uu saarnaa geed ku yaala agagaarka Masjidka Masjidka Calin Xamsata ee hoobadka wadada siisii , isla markaana ay ku dhaawacmeen labo ruux oo rayid ah.
Waxa uu sheegay in dowladda KMG ah ay la wareegeyso gorigii hortiisa bam uu ka qarxo, isla markaana ay ka bilaabayaan guriga uu haatan qaraxa ka hordhacay.
Waxa uu sheegay in ay burburiyeen booshashkii wadooyinka ku yiilay oo ay ku dhuuman jireen waxa uu ugu yeero kooxaha wax qarxiya, isagoo sheegay in ciddii gurigeeda qarax uu ka hordhaco ay iyadu mas'uul ka tahay.
" Cadowgu waa gabogabo, waana ciribtireynaa, waana ku sii soconaa, inyar ayaa hartay oo abaabul ka wada suuqa weyn ee Bakaaraha, si dhaqso ah ayaana talaabo uga qaadeynaa" ayuu ku goodiyay Max'ed Dheere.
Hadalka Max'ed Dheere ayaa ka dambeeyay ka dib markii qarax lala beegsaday kolonyo uu watay oo saakay ku socday wadada Siisii, waana isku daygii ugu horreeyay oo fashilmay oo lagu doonayay in lagu qaarjiyo Max'ed Dheere.
Dhinaca kale wareegto uu soo saaray Max'ed Dheere waxa uu ku wargaliyay dadweynaha gobolka Banadir in ay iska jaraan geedka loo yaqaano geed yahuudka, iyadoo ciddii awaamiirtaan fulin weyso laga qaadi doono ganaax lacageed oo dhan hal milyan oo sh.som ah, isagoo ugu baaqay shacabka in wadooyinka magaalada aan la dhigi karin dhagax ama wax hakiya isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.
Sidoo kale Maamulka gobolka Banadir waxa uu go'aamiyay in guri kasta oo saaran laamiga loo yeelo albaab hadii kale lagu xiro bulukeeti, waxaa laga qaadayaa talaabo sharci waafaqsan, waana in la bixiyaa biraha iyo geedaha la surey guryaha hortooda ayuu ku soo gabogabeeyay warsaxaafadeedkiisa





