Gedo governor Kalil on VOA about troops to Kismaayo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Gedo governor Kalil on VOA about troops to Kismaayo

Post by The`Republic »

He basically said

-The troops from Ceel-Waaq who went to Kismaayo are government troops and went there on government orders
-Says they have made the foundation for the beginnings of a serious government military base in Kismaayo Airport
-What is legal will be separated from now on from what is illegal
-The administrations recognized by the government know it and those administrations not recognized by the government are not legal and do not matter
-Basically says Ras Kamboni is a "jabhad" and in this era of governance "jabhad" is outlawed and inconsequential
-Requests the government courts to put Xildhibaan Abdirashid Xiddig on trial for labeling government soldiers on government orders "Al Shabaab"
Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo ka hadlay Boqollaal Ciidamo ah oo dhawaan gaaray Magaalo Xeebeedda Kismaayo

Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.

Maxamed Kaliil ayaa sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwo dowladda Soomaaliya ya u bedeshay degmadaas, balse aysan ahyan kuwo inay dhibaato sameeyaan halkaas u tagay.

“Ciidamadan waxay ahaayeen kuwo dowladda Soomaaliya ay u bedeshay gobolka Jubbada Hoose, umana tegin halkaas inay dhibaatooyin abuuraan,” ayuu yiri Kaliil oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan gobolka Gedo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan cabsi weyn oo ka dhalatay in ciidamadan iyo kuwa maamulka KMG ah ee degmada uu dhexmaro isku-dhac hubeysan.

Su’aal ahayd halka ay ciidamadaas u mareen Kismaayo oo la weydiiyay ayuu kaga jawaabay inay mareen soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayna hadda ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

“Intii ciidamadan ay kusii socdeen jidka wax dagaal ah lama kulmin, mana aysan sii marin dhulka ay Al-shabaab ka taliso,” ayuu Kaliil hadalkiisa ku daray. Isagoo xusay in ciidamadan ay ogaayeen maamullada dowladda balse maamulkii aan dowladda ka tirsanayna maba oga.

Sidoo kale, mar la weydiiyay su’aal ahayd fikirka ay ka qabaan maamul u sameynta Jubbooyinka ayuu sheegay in maamulkaas aan loo dhameyn, mana jirto jabhad maamul u sameyn karta Jubbooyinka, waayo dalka lagama aqoonsano buu yiri jabhado.

“Dalka dowlad ayuu leeyahay waana inay dowladdu hoggaamiso maamul u sameynta gobollada dalka, ciidamada Kismaayo tagayna waxay ku tageen qorshe dowladeed,” ayuu guddoomiyaha gobolka Gedo ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdi Kaliil wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday inay maxkamad soo taagto xildhibaan baarlamaanka ka tirsan oo uu sheegay inuu ciidamada dowladda ee Kismaayo tagay ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaan weli ka hadlin ciidamadan soo gaaray degmada, inkastoo wararka ka imaanaya xarunta Jubbada Hoose ay sheegayaan in cabsi weyn ay ka jirto degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

http://hiiraan.com/news/2013/Mar/warark ... -21195.htm
User avatar
eliteSomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5746
Joined: Mon Dec 12, 2011 2:29 pm
Location: Jewnited States of America.

Re: Gedo governor Kalil on VOA about troops to Kismaayo

Post by eliteSomali »

Replacing the 'illegal' kenyan Agents led by A. madoobe(A clan jabhad) with troops ironically also trained in Kenya who also predominantly happened to consist of one single clan only the latter are considered to be government troops?

Where is the common sense?


For some folks 2+ decades of wars hataa kuma filna.
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: Gedo governor Kalil on VOA about troops to Kismaayo

Post by Advo »

:wow: I think I am ready to see Xidig standing before International Criminal Courts for crimes against humanity.
User avatar
Mustafee101
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2222
Joined: Sat Jan 07, 2012 10:10 pm
Location: Hangool iyo Gedweyne

Re: Gedo governor Kalil on VOA about troops to Kismaayo

Post by Mustafee101 »

Bro, isn't Kalil gadoomeye ku xigeenka gedo and Hussein Fareey the Governor of Gedo? :|
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Gedo governor Kalil on VOA about troops to Kismaayo

Post by original dervish »

These reckless actions by the Govt will lead inevitably to war in Kismayo.
This has always been the preferred option to derail J/Land, pitting clan against clan.
Its unfortunate that people cannot see where their interests lay.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”