Ciyaartan saaxiibtinimo oo kubada cagta ah oo u dhaxeysay labo kooxood oo ka kala socdey degmooyinka Baardheere iyo Luuq,isla markaana lagu maamusayey Xuska 15May ee maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabagabeeyey Garoonka kubada cagta ee degmada Baardheere.
Ciyaartani oo ay ka soo qeyb galeen daawashadeeda dadweyne kor u dhaafey boqolaal oo ka kala socdey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baardheere ayaa labadii maamlmood ee la soo dhaafey ka socotey degmada, iyadoo wareegii labaadna ciyaarta 2 iyo 0 ay ku badiyeen kooxdii ku dheelaysay magaca degmada Baardheere. Dadweyne badan oo xiiseeya ciyaarta ayaa ku farxay guusha tartankan ay ka soo hoyeen kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Baardheere,maadama dhowr jeer oo hore guuldaro ay la kulmeen Kooxda Baardheere.
Gudoomiyaha Gudiga Isboortiska degmada Baardheere Xoosh Cabdi Aden oo ka hadley gebagebadii ciyaarta ayaa ku amaanay labada kooxood ciyaar wanaagii ay muujiyeen labadii maalin ee ciyaartu ay socotey,waxuuna u mahad celiyey ururada Samafalka wadaniga ee HIRDA iyo SADO oo uu sheegay inay ka saacideen qabsoomida ciyaarahan, mana ahan ayuu yiri markii ugu horeysay oo tartamo isboortis oo ka dhaca Gobolka ay gacan ka geystaan
Bartamahii bishii may ee sanadkii hore ayey ahayd markii ciyaaro kubada cagta ah degmada Baardheere ay ku yeesheen ciyaartoy ka kala socotey degmooyinka Luuq iyo Baardheere,inkastoo ciyaarahaasi cidina ayan ku guuleysan.
A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere




