Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby Sadaam_Mariixmaan » Wed Jun 13, 2007 12:06 am

Shirkii Daableey Oo Gabagaboobay,Ergooyinkii Oo Soo Gaaray Degmada G/haarrey, Kulan Guud Iyo Shirar Turxaan bixin ah Oo Laqabtay Iyo Siminaar Ay NCA Ugu Deeqday Barnaamika Nabadeynta
Jun 12,2007
by Garbahaarey-GEDO-NN
Shir nabadeedkii ka socday tuulada Daableey ee gobalka Gedo ayaa dhawaan la soo gabagabeeyay ayada oo laga soo saaray go’aamo wax ku ool ah, waxayna ergooyinkii shirka soo gaareen degmada G/haarrey, xarunta G/Gedo.

Ergooyinka ayaa usoo kicitimay degmada g/haarrey si ay beelaha SADE ula socadsiiyaan natiijooyinka ka soo baxay shirkii Daableey iyo iyaga oo ka jawaabayay casuumaad rasmi ah oo ay maamulka iyo waxgaradka G/haarrey u fidiyeen wufuuda shirka.

kulan ballaaran oo ay wada yeesheen ergooyinka shirka Daableey iyo waxgaradka degmada G/haarrey ayaa lagu soo bandhigay go’aamadii ka soo baxay shirkii Daableey, go’aamadaas oo si weyn u taabanayay dhinaca nabada ayaa si weyn loo soo dhaweeyay. Waxaana u riyaaqay shacabka iyo maamulka G/haarrey oo sheegay in ay go’aamadani yihiin natiijooyin hufan oo si haboon u taabagalinayo hanaanka nabada ee G/Gedo.

Gabagabadii kulanka guud ee lagu soo bandhigay go’aamada shirka Daableey, ayaa waxaa lagu dhawaaqay in ay furmayan wax loogu yeeray kulamo turxaan-bixin ah oo lagu dhamaystirayo shirka Daableey, kuwaas oo dhexmarayo jifooyin gaar ah oo ay horay u dhexmareen isku dhacyo hubaysan, waxana ugu danbayntii maanta lagu warbixiyay in ay kulamadaasi si guul ah ku dhamaaden.

Qaybta nabadeynta ee hay’ada NCA ayaa tababar labo maalmood ah G/haarrey ugu qabatay oday dhaqameedyo iyo indheer garad kale oo isugu jiro ergooyinka shirkii Daableey iyo wax garadka degmada G/haarrey, siminaarkaas oo la xariiro hababka nabadeynta iyo xallinta colaadaha, waxana gabagabadii siminaarka ee maanta lagu sheegay in degmada G/haarrey lagu qaban doono shirweyne nabadeed oo lagu ballaarinayo natiijooyinka nabadeed ee haatan salka ka unkamay.

Axmed Maxamed Caafi,
Gedo News Network,
Gedo, Soomaliya


Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirka Daableey:
Shirkii ka socday tuulada Daableey oo soo gabagaboobay ayaa waxaa ka soo baxay Go’aamo door ah oo inta badan ku saabsan dhinaca nabadda iyo xallinta mashaakilada saamaynayo xasiloonida, waxayna go’aamadaasi ku soo baxeen sidatan hoos ku xusan:

SHIRWEYNE AY ISUGU YIMAADEEN BEELAHA REER YUUSUF OO KA DHACAY TUULADA DAHABLEY EE DEGMADA GARBAHAAREY EE GOBOLKA GEDO SOOMAALIYA.

Shirweynahan ay isugu yimaadeen beelaha kor ku xusan ayaa bilowday taariikhdu markay ahayd 31/05/007 wuxuuna dhamaaday 11/06/007 , shirkan oo ay ka soo qaybgaleen ergo dhan 250 qofood oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Gedo.

Ujeedooyinka shirkan oo ahaa nabadeynta iyo xalinta qilaafaadka beesha dhexdeeda lana gaarsiinayo beelaha kale ee Sade Iyo dhamaan darisyada gobolka Gedo.

Qodobada shirkan waa kuwa hoos ku qoran:-

1. Beesha waxay si buuxda ugu heshiisay in laga gudbo wixii qilaaf ah ee beesha dhexdeeda ah .
2. Wixii mag ah ee horay u jiray in beeshu ay u bixiso si wada jir ah . mudada ugu dhaqsaha badan
3. Qofkii qof si kas ah u dilo waxaa la isku raacay in la soo qabto laguna fuliyo dil toogasho ah kaas oo waafaqsan sharciga Islaamka .

(a) Qofkii gacan ku dhiigle qariyo ama si kale gacan u siiyo waa la qabanayaa waxaana la waafajinayaa shareecada Islaamka .

(b) Wixii xaq ah ee beesha reer Yuusuf uga maqan beelaha Sade waa in lagu doonto si waafaqsan sharciga Islaamka .

4- Ninkii umada u istaago jidadka ,una geysto dhac iyo dhaawac waa la soo qabanayaa waxaana la waafajinayaa shareecada Islaamka.

5. In beelaha Xasan gaashireedle loogu yeero shir Deg Deg ah kaasoo lagu xalinayo qilaafaadka jira ee Gobolka , lana doonayo in lagu gaarsiiyo beesha Sade.
6. Beeshani waxay ugu baaqaysaa walaalahooda Sade in ay isugu yimadaan shir guud oo lagu xalinayo dhamaanba dhibaatooyinka soo jiitamay ee naafeeyey nabada iyo horumarka beesha ku dhaqan gobolkan Gedo, islamarkaana ay samaystaan maamul goboleed loo dhan yahay oo isku xiro gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
7. In la mideeyo siyaasada , difaaca iyo dhaqaalaha Sade Dibada iyo Gudahaba.
8. In beelahani ay ka gudbaan kala qoqobnaanta dhexdooda ah .
9. In la taageero lana soo dhaweeyo shirweynaha qaran ee dib u heshiisiinta Soomaaliya .

10- In darisyada la xaq dhowro lagulana dhaqmo si nabadgelyo ah .

Wixii xaq ah ee beesha Sade uga maqan darisyada in lagu doonto si waafaqsan sharciga Islaamka .

11- Beeshu waxay go,aansatay in ay wax walba ka hormariso nabadgelyada guud ee gobolka iyo gobolada la dariska ah.

12- Shirku wuxuu go,aamiyey in nabadgelyada ay tahay nolosha aadamiga, sidaasi darteed waa in la dhowro si guud iyo si gaarba.

13- shirku wuxuu soo dhaweynayaa wax kaste oo wanaang iyo horumar u horseedayo beelaha ku dhaqan Gobolka gedo.

14- Shirku wuxuu ka codsanayaa dhamaan beelaha kale ee Sade in ay ku taageeraan qaadashada nabadgelyada Gobolka iyo horumarkiisa.

16- Shirku wuxuu go,aamiyey in sare loo qaado tayada waxbarashadaee guud ahaan gobolka lana dhiiri galiyo .

Guddiga saxiixay go,aankan

Magaca buuxa Saxiixa

1- Nabadoon Maxamed |Xassan Yarow _____________

2- Nabadoon Macalin Aadan Cabdi (geesey) _______________

3- Sheekh Cali Xasan Ibraahim _______________

4- Macalin Cabdi Muxumed (madaxey) _______________

5- Nabadoon Mahad Macalin Cismaan _______________

6- Nabadoon Muxumed Cali Dhuumaal _______________

7- Nabadoon Barre Ismaaciil Macalin ________________

8- Nabdoon Muxumed Daahir Cabdulle ________________

9- Nabadoon Cali Cabdi-Samad Yuusuf ________________

10- Nabadoon Sanay Nuur Xiirey ___________________

11- Nabadoon Cabdulaahi Cismaan Xaaji _________________

12- Nabdoon Muxumed Kheyr Aaden Dabow _________________

13- Nabadoon Ibrahim Aaden Xuuriye _________________

Xiriinta iyo isku dubaridida shirka

1. Maxamed Cabdi Kaliil
2. Maxamed Cabdi Aaden
3. Ibraahim Xasan Xuuriye

Xoghaynta shirka

1. Maxamed Cabdi Ibraahim (hire)
2. Axmed C/raxmaan Xassan (mush)
3. Maxamuud Macalin Saalax
4. Siyaad Aadan Faarax

User avatar
Ugaas Diini
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4452
Joined: Mon Feb 28, 2005 1:04 am
Location: Dar Al-Islam

Re: Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby Ugaas Diini » Wed Jun 13, 2007 12:33 pm

What are all these conferences about?

User avatar
Warsame101
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1947
Joined: Sun Feb 04, 2007 4:32 am
Location: Muuri/Caabudwaaq/Kismaayo
Contact:

Re: Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby Warsame101 » Wed Jun 13, 2007 12:56 pm

It is not a new shir. The article is saying that they concluded the conference that started a few days ago.

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby DawladSade » Wed Jun 13, 2007 3:02 pm

Saddam, they are concluding.

[quote]islamarkaana ay samaystaan maamul goboleed loo dhan yahay oo isku xiro gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
7. In la mideeyo siyaasada , difaaca iyo dhaqaalaha Sade Dibada iyo Gudahaba.[/quote]

Cool Cool

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56703
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby AbdiWahab252 » Wed Jun 13, 2007 3:45 pm

So did Ugaas Hassan Samburu authorize the meeting ????

User avatar
Warsame101
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1947
Joined: Sun Feb 04, 2007 4:32 am
Location: Muuri/Caabudwaaq/Kismaayo
Contact:

Re: Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby Warsame101 » Wed Jun 13, 2007 3:47 pm

[quote="DawladSade"]Saddam, they are concluding.

[quote]islamarkaana ay samaystaan maamul goboleed loo dhan yahay oo isku xiro gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
7. In la mideeyo siyaasada , difaaca iyo dhaqaalaha Sade Dibada iyo Gudahaba.[/quote]

Cool Cool[/quote]

Cool

User avatar
Shankaroon_614
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4644
Joined: Tue Feb 14, 2006 5:21 pm
Location: Dhabad, Caabudwaaq, and Baledxaawo!!

Re: Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby Shankaroon_614 » Wed Jun 13, 2007 5:17 pm

Cool Cool Cool Cool Cool Cool Cool Cool

I am loving ma Reer Ayeeyo Cool Laughing

User avatar
Advocatar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9940
Joined: Sat Sep 09, 2006 9:35 pm
Location: Chilling In SANAAG, Makhiir State Of SOMALI, enjoying TUNA fish

Re: Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby Advocatar » Wed Jun 13, 2007 5:39 pm

I am highly suspicious of r/hassan, Giggle Sac Sac must observe every move they make.

User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: Another Reer Xassan Shir in Garbahaarey

Postby Sadaam_Mariixmaan » Thu Jun 14, 2007 9:49 am

fock i can't edit it

Laughing Laughing Laughing


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests