Calaacalka Kab iyo Lax Part (1)
Posted: Sun Jul 15, 2007 3:22 am
Warsaxaafadeed Xaalada J/hoose iyo Kismaayo
Magaalada Kismaayo waa magaalo soomaaliyeed cid kasta oo si nabad ah ku daganaysana waxay xaq u lee yihiin in ay daganaadaan sida magaalooyinka kale ee dalka soomaaliya,kismaayo waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaa wayn ee dalka Soomaaliya,waxaa kismaayo soo maray dagaalo waxaana ka mid ahaa kii 1999 ay magaalada ku qabsadeen is bahaysigii la oran jiray Dooxada Juba,ee ay ku midaysnaayeen Beelaha kala daga Gedo,iyo Galguduud waxaana horkacayay Barri Hiiraale,iyo Yuusuf Mire Seeraar.
Hadaba markii ay gaartay Dowlada FKMG ah gobolada Dalka Soomaaliya oo idil ka dib dagaal dhex maray Dowlada iyo Maxaakimtii islaamiga ahayd ayaa,magaalada Kismaayo waxaa ay dowlada Soomaaliya u soo magac cawday maamul Gobolka Jubada Hoose,kaas oo ka talinayay ilaa 23 April 2007 balse magaalada waxay uga baxeen ka dib khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo maleeshiyaad Gedo ka yimid waxayna u turayeen caruurta iyo dumarka deegaanka ah si aan dhibku u saamayn.
Magaalada Kismaayo ayaa laga soo bilaabo xiligaasi waxaa ka dhacay falal ka baxsan Bani aadanimada oo isgu jirta dhac iyo dilal waxayna u kala dheceen sidaan.
246 guri oo u badan guryo filooyin ah ayay maleeshiyaadka ka yimid Gobolka Gedo kula wareegeen,oo ay lee yihiin dadka deegaanka ah ee Beesha Kablalax.
15-kii bishii March2007,Dilkii magaalada Mogadishu loogu gaystay Marxuum Dr. Ciise Cabdi Ciise ,ayaa laga soo qorsheeyay kismaayo.
26kii March 2007 ayaa waxay magaalada Kismaayo ku dileen sarkaal ka tirsana ciidamada DFKMG ah oo lagu magacaabi jiray Marxuum Burhaan Bicir.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dilay ganacsato aad u badan oo ka so jeeda Beesha Harti iyo Absame,
30-kii April,weerar ayay ku qaadeen jasiirada Madhawa,iyo kudhaa.
03-May-2007, qarax ayaa waxaa ka bad baaday masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo garoonka diyaaraha kismayo ka dhoofi lahaa oo uu hor kacayay Wasiirka arimaha gudaha Maxmed Maxamuud Gacmo dheere.
1 June 2007,ayaa waxay dileen maleeshiyaadka kismaayo gacanta ku haya Taliyihii Nabad Sugida ee magaalada Kismaayo Marxuum,G/lle Makhtal Faarax Gaagaab.
lama soo koobi karo dhibka ay maleeshiyaadka Gobolka Gedo ku hayan magaalada Kismaayo waxaana ugu sii darnaa 23kii June laga soo bilaabo dhibka ay ka gaysteen.
Waxaa la diiwaan galiyay dhaca 70 gaari oo inta badan loo kaxaystay Gobolka Gedo magaalooyinkiisa sida Baardheere,Balad xaawo.
Tirada dadka la dilay ama la jir dilay waxay gaaraysaa 200 qiyaastii.
Falalka ka dhacay Kismaayo waxaa ka masuul ah
Barre Aadan Shire (Hiiraale)
Daa'uud Dirir
C/risaaq Faaraax Taano
Yaasiin indhotaag,
Xaawo Ugaas
Yuusuf Mire Seeraar
Xasan Dheere. iyo kuwa kale.
Hadaba hadii aanu nahay odayaasha gobolka Jubada Hoose waxaan ugu baaqaynaa Dowlada Faderalka KMG ah ee Soomaaliya in ay dadkaasi si deg deg ah maxkamad ku soo hor keento si loogu qaado danbiyada ay ka galeen gobolka Jubada Hoose dadka dagan.
Sidoo kale Haayadaha Xuquuq Al insaanka ayaan waxaan ka codsanaynaa in ay ku darto (World Criminals) danbiilayaasha caalamka
Waxayna ugu baaqaynaa dadka deegaanka ah in ay iska dul qaataan inta ay kismaayo ka imaanyaan ciidamada dowlada, oo dhawaanlaga sugayo.
Wa bilaahi Towfiiq,
Nabadoon Cabdi Wali Biixi