Page 1 of 1

Calaacalka Kab iyo Lax Part (4)

Posted: Sun Jul 15, 2007 3:27 am
by Hidden_Treasure
J.HOOSE IYO SH. HOOSE MA DHUL LA HELAY BAA MISE WAA DHUL SOOMALIYEED?

Dul iyo hoosba waan ugu dhigoo waa dixdhagaxeede

Anuunba damqanayee dhaguhu uma daloolaane

Dadkaan la hadlaayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahey caqliga dooni laga saarey

Wixii horey usoo daashadey bay degashanaysaaye.


Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahoy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateeene ways dabar jaraysaaye.

(abwaan tima cade).


Burburkii dowladii milateriga aheyd ka bacdi soomaliya waxey isu bedeshey goob lagu herdiyo. Mushkilada soomaliya waxeyd aheyd mida sii cakirmeysey maalinba maalinta ka dambeysay. Waxaa iska soo daba dhacayey kooxo hadba magacyo la baxa iyo isbahaysiyo ku heshiiya dilka, dulmiga, iyo dibindaabyada umada soomaliyeed. Soomaliya waxey aduunka ku noqotay boog dawo loo waayey, waayo xalka wuxuu ka yimaadaa umada dhexdeeda tasina waxey ku imaan laheyd caqliga oo shaqeeya. Hadii wanaaga iyo wada noolasha la fahmi lahaa xaalka soomaliya sidan waa ka duwanaan lahaa,Sidaas awgeed waxaan laba is weydiineyn in xalka soomaaliya maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku shareerayo inta ay jiraan hamiga ku saleysan habsiga dhulka iyo tacadiga lagula dhaqmo bulshada cududa lagu qabsado dhulkooda.

Intaas hadii aan kaga gudubno dulmarka maqaalkeena waxaan dhex geli doonaa dulucda maqaalka hadii alle ogolaado oo ku saabsan arimaha goboladan kor ku xusan (j.hoose iyo sh.hoose). Hadii aan yare milicsano taariikhdii guumeystaha markuu Africa qeybsanayey shirkii Berlin sanadkii 1884tii wuxuu u kala qeybiyey umadihii dalalkaas ku noola qaab ku saleysan qeybi oo xukun (divide and rule).Tusaale ahaan hadii ay kala diin yihiin, diin buu u kala adeegsadey,qabiil kala gedisan sidoo kale qabiil, af kala gedisan sidoo kale af, degaan kala gedisan sidoo kale degaan, taasina waxey u sahashey in uu wadamadii waqti dheer dul fadhiyo umadii halkaas ku nooleydna kala jajabiyo. Mudo ka dib waxey la kulmeen iska caabin iyo dagaalo joogta ah ugu dambeyntiina waxey garowsadeen markii naf badan ay ku waayeen in aan xoog shaqeyneyn, Markaas ka dib ayey bilaabeen in ay xornimo siiyaan dalalkii hase yeeshe si dadban u maamuulaan waana mid taagan ilaa xiligan. Marka Su’aasha is weydiinta mudan waxa weeye “ qarniga la joogo maantey qabiil xoog ma ku sii haysan karaa qabiil kale”? jawaabtu waa “maya”

Hadaba Inkastoo umada soomaliyeed ka dhereg santahey amuurtan iyada ah iyo tacadiga ka dhacay goboladan cududa lagu qabsaday hadana waa mixnad wali taagan una baahan in laga hadlo. Sida la ogyahey goboladan waxaa isu baheystay koox ka soo hayaamey gobolada Galguduud la baxey magac la yiraahdo “ walaalaha gal-guduud” oo ku midoobey dhaca iyo barakicinta umada walaalahoda ee halkaas ku nool, hadafkooda ugu weyn ayaa ah barakicin iyo dhul boob walina kama daalin. Walaalaha Gal-gudud dib ayey u bilaabeen duulaanadii iyadoo la quud dareynayo in la helo dowlad lagaga baxo dhibkan soo jiitamayey, waxey ka wadeen Kismayo , beerxaani, kudhaaa, waa kuwan hada ka soo cusbooneysiiyey sh.hoose xiligan. Waxaa marar badan dhegahagu ku dhacayaan sawaxanka beenta ah iyaga oo ku andacoonayaa in ay ka mid yihiin belaaha degaanka iwm. Hadaba waxaan ku soo bandhigi doona maqaalkan shaxda awood qeybsigii iyo siyaasada qalafsan ee ku saleysan cagliga dhul boobka ee walaalaha Gal-guduud/isbaheysiga.Waa cagliga lagu doonayo in goboldan lagu heysto, waa sida cadaalada iyo awood qeybsiga loo yaqaan, dowladna u dhalan ilaa hankan ka hir galo waqtigey doontoba ha qaadatee.

Sida aan maqalkii hore ku iftiiminey marjaca ugu weyn ee dalada isbahaysigii dooxada juba waxuu ahaa A/qasim oo ku bixinayey dhaqaalihii umada soomaliyeed magaceeda lagu soo qaatey. Gobolka sh.hoose degmooyinkiisa waxaa si toosa u wada heystay besha asagu ka dhashey ee “Ceyr”, hadii ay noqon laheyd dhaqaale iyo maamulba. Nasiib daro dadkii gobolkan u dhashey indhaha ayey ka fiirsanayeen waxeyna u arkayeen dulmigii ugu fac weynaa ee soo maray gobolkan. Qabaailkii halkaas loogu yimi ee lahaa biyamaal, reer-barawe, tuni, gaal-jecel, gare, jareer weyn, jiido, gendarshe,shanta caleemood, quraabane, abaa jibil, abaa saad, abaa-ajuuraan, reer mataan, wacdaan (beelo kale hadii aan ka tagney raali ha ahaadeen.), lagama qeyb gelin talada iyo maamul midna inkastoo ay jireen dad maqaar saar ah oo meelaha qaarkood ku xigeeno (deputy) loo tuur-tuuray.

Liiska Degmooyinka S/Hoose iyo sidii loo kala Qeybsadey:
Yuusuf Siyaad Indhacadde: (Ceyr), wuxuu haystay dhowr degmo oo kala ah: Marka, Awdheegle, K/waarey goboladaas maamul ahaan iyo ciidan ahaan asaga ayaa si gaar ah u maamulan jirey wuxuu sidoo kale ku magacawnaa gudoomiyaha Gobolka.

Xuseen Cirfo: wuxuuna haystay degmada Afgooye – dhaqaale ahaan iyo maamulba , waxaa ku wehliyey jilib la yiraahdo Ayaanlle Ceyr

C/llaahi Xalane Dhuxuloow: (Ceyr), wuxuuna haystay Baraawe iyo Sablaale,dhaqaalihiisa iyo maamulkiisa waa u madax banaana.

Shaarub: Ceyr, wuxuuna haystay degmada Wanllaweyn waxaana ku wehliyey jilib la yiraahdo Ayaanlle Ceyr.

Sida kor ka muuqata shaxdu waxay ku qotontay hab jufooyin hoosaad ay beeshu u kala baxdo, balse dalad kulmisa ayaa jirtey si hadii dagaal u dhaco laysugu gurmado ama loogu gurmado dalada isbaheysiga hadii la soo damco. Waxaan sidoo kale meesha laga saari Karin Gen. Galaal oo u qaabilsanaa dhinaca siyaasada iyo taloyinka ciidanka, halka Deelaaf ahaa dhinaca dhaqaalaha, halkasna waxaan ka dareemi karnaa awooda la saarey sidoo gobolka mansab siyaasadeed iyo dhulba awooda loo saari lahaa

Maamulkii isbaheysiga ka jirey kismayo iyo sida Baure Hiirale u Maamulay.

Sida la ogyahey Maamulka Kismaayo ka jiray qudhiisu wuxuu ku tiirsanaa dalada oday C/qaasim iyo indha-cade oo kor ka ilaalinayey. Barre Wuxuu ku magacownaa gudoomiyaha isbaheysiga wuxuuna ahaa nin u dhega-nugul c/qasim iyo isbahaysiga, ku xigeen waxaa u ahaa Yusuf mire seeraar halka taliyaha isbaheysigu ahaa Goobaale. Sida kan sh. Hoose maamulka Kismayo Wuxuu ahaa maamul jilib hoosaadka Barre Hiiraale (reer-diini) ugu tunweynaayeen inkastoo dhaqalaha gobolku ahaa wadaag (sharing), isbaheysiga 40%, besha ku magacowned haysashada kismayo 30%, ibraahim xaabsade 10%, 20% dhex-taal -hadba wixii soo kordha.

Oday barre wuxuu falaar ku qabtey dhamaan beelihii halkaas deganaa kamana qeyb gelin maamulka taasna wuxuu kala mid ahaa saaxiibadiis Gal-guduud laga wada yimi. Sida aad hoos ka arki doontaan waxaa degmada Kismaayo maamulayey Barre hiirale oo gudoomiya ahaa iyo tiradan hoos ku qoran:

1-Maxamed Bashiir Yaroowe:oo hada sheegta Suldaan.
2-Dauud mohamed dirir
3-C/laahi xashi (mareeyaha hormuud)
4-Xasan Xaashi (Xasan-Dheere)Ninkan ayaa isku magacaabay inuu Afhayeen u yahay Qolada qabsatay Magaalada Kismaayo.

5-Daahir Faarax Carabeey-gudoomiyihii degmada Kismayo ee isbaheysiga.
6-C/Naasir Faarax Taano.ninkan rag uu ku jiro ayaa ka dambeeyey shirqoolkii kismayo 23-4-07

7-Ibraahim Axmed (Jiif-Dheere)
8-Keynaan Maxamed Jiciir
9-C/laahi Xasan Nuur
10-Aadan Xasan Guuleed
11-Cabaas Aadan Gureey
12-Xasan Maxamed Cilmi

13-Xasan Maxamed Nuur (Abuuraas)
14- Axmed Cabdi Cumar
15-Cabdi Shiiloow Dhaqane

Ragani waa ku diidan in la helo nidaam iyo Dawladnimo noocey doontaba ha noqotee, Waayo waa kuwii Kismaayo maamulkeeda gacanta ku hayey. Waa kuwa ku naaxey canshuurta dhir jarista iyo boobka hantida dadweynaha. Oday barre qudhiisu dowlad kasta waxaa kala weyn canshuurta dekeda Kismayo waa kan xiligan wali soo qooran sanaya ee fadhiya Baardheere.

Dadka yaqaan oday Barre waxay ku tilmaamaan nin aan laheyn xirfad siyaasadeed iyo tayo ciidanba waayo ma aheyn nin kuliyad (academic) ciidan ka soo baxey wuxuuna ciidanka ku soo biiray xiligii la dhihi jirey Ali boobaaye ( ciidan la qori jirey oo dabley ahaa). Hadii aan soo yare qaadano talaabooyinkii ugu dambeeyey ee Oday barre qaadey ayaad moodaa in Arimahaas qiil looga dhigi karo, tusaale ahaan kala faquuqida beesha SADE dhexdeeda uu ka sameeyey markii dambe. Dagaalkii Kismaayo ku dhex marey isaga iyo cabdi egal 16 kii January, 06 wuxuu ahaa mid awood qeybsiga iyo dhaqaalaha la iskaga hor yimi. Dagaalkaasi wuxuu sababey khasaaro badan waxaa ku dhintay dhalinyaro u badnaa besha Wagar dhac iyo dad shacab ah oo aan wax galabsan, sidoo kale waxaa magalada soo gaarey bur bur lixaad leh ka dib markii uu gacan ka helay Goobale oo ahaa taliyaha ciidanka isbaheysiga dooxada Juba.

Tan kale ayaa aheyd oday Barre wuxuu ahaa hogaamiye koxeedka kaliya ee go’aan cad oo siyaasaded gaari waayey ama dhan u badan waayey xiligii maxkamaduhu soo baxeen.Wuxuu dhumiyey kalsoonidii saaxiibadiis oo markii dambe u xuubsiibtey maxkamadaha halka il qoreedka u ku eegayey jagada wasiirka Gashandhiga oo markaas loo magacabey, natiijadiina waxey noqotay in uu cagaha wax ka dayo 24-9-06 markii dabayshii maxkamaduhu soo gaareen Jilib.

tii iyo Gabagabadii:

J.hoose iyo sh. Hoose dhul cusub oo la helay ma ahan ee waa dhul soomaliyeed oo horey u jirey. Sida la xuso ilaa qarniga 17aad Waxaa ku noolaa ilaa hadana degan umad soomaliyeed oo laheyd dhaqan iyo ilbaxnimo soo jireen ah. Si kastaba ha ahatee dadkan goboladan ku nool waxaa dhibaato gaar ah ku hayey ilaa hadan ku haya koox ka soo hayaantey Gal-guduud dhib iyo tacadi badan oo isugu jira caburin, layn, dhac, iyo qixin u geystay. Hadaba maxaa la gudboon dadka goboladan ku dhaqan ? dadkan waxaa la gudboon in ay maskaxdooda dib u hantaan ka fikiraan sida loo caburiyey, loo dhacey, dhulkoodii loo boobay, sidaas awgeed waa in ay yeeshaan hogaan iyo talo mideysan meelna iska dhigaan qabiilka lagu gablamay iyo kala qeybsanaanta dhexdooda ah si ay uga hor tagaan baakicinta iyo boobka lagu hayo dhulkooda.

Walaalha Gal-guduud waxaa la gudboon in ay joojiyaan colaada, barakicinta iyo dulmiga ay ku hayaan walaalahooda soomaliyeed.Waxaa leenahay aamina dhulkiina, fahma wanaaga iyo wada noolashaha. Ogaada “Soomaliya soomali baa leh” xoog shaqeyn mayo si nabad ah la noolada walaalaha somaliyeed. Alow umada soomaliyeed dib u walaaley...Eebow darisnimadii iyo nabadii dib noogu soo dabaal…aamin

Maqaalkii hore riix: http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=9230


OSMAN HAJI ALI
waamogroup@hotmail.com