http://www.allgedo.com/Ganane/rer%20cusman.jpg
http://www.allgedo.com/Ganane/rer%20cusman2.jpg
Shir ay Beesha Reer Cismaan ku yeelatay degmada Baardheere oo ay ku doorteen gudi sare oo qaabilsan howlaha Beeshaasi
By AXMED CUMAR SAALIXI, Allgedo Online
BARDHERE, Somalia - Waxaa galinkii dambe ee maanta lagu soo gabagabeeyay degmada Baardheere shir mudo dhawr casho ah u socday Beesha Reer Cismaan oo ka mid ah Beelaha Sade ee Gobalka Gedo. Shirkan ayaa mudadii uu socday beeshu waxay uga hadlayeen arimo ay ka mid yihiin danaha guud ee beeshaasi oo ka mid ah dhinacyada Nabadgaliyada, Siyaasada iyo sidii beeshaasu ay u samaysan lahayd gudi sare oo ka shaqeeya howlaha Beeshaasi.
Qoraal maanta loo qaybiyay saxaafada ayaa Beeshu waxay ku soo bandhigtay waxqabadka gudiga sare oo ay magacaabeen inay howshoodu tahay: -
1. Ka qaybqaadashada nabadeynta Beelaha Sade iyo Beelaha kale Soomaaliyeed ee dariska nala ah.
2. Ku lugyeelashada arimaha siyaasada Dalka oo hadafkanagu yahay inaan ka dhexmuuqano hogaanka Sare ee Beesha Sade iyo tan dalkaba.
3. Soo dhawaynta wixii loo arko in xal nabadeed lagu gaari karo, iyadoo mudnaantana la siinayo sidii Gobalka Gedo nabad loogu soo dabaali lahaa islamarkaan looga qaybqaadan lahaa dhismo maamul oo uu yeesho Gobolku.
4. Ka hortagida wixii keeni karta colaad sokeeye, Burbur dhaqaale, mid siyaasadeed iyo Bulshaba.
5. Abuurida iyo ka shaqaynta jawi wadanoolaansho oo dhexmara Beelaha Sade iyo Beelaha kale ee dariska ah.
Sidoo kale waxay beeshu baaq taageero ah u jeedisay ergooyinka ka qaybgalaya shirka nabada ee iminka ka soconaya degmada G/haareey ee Gobalka Gedo.
Gabagabadii shirka oo Beeshan ay ku casuumeen waxgarad kala duwan oo ka tirsan Beesha Sade ee degmada Baardheere ayaa beeshu waxay ku soo bandhigeen go’aanadii ka soo baxay kulankooda iyagoo isla markaana magacaabay gudi sare oo ka kooban 5 xubnood oo wakiil uga noqon doona howlaha kala duwan beeshaasi dhinacyada Siyaasada, Nabadeynta iyo arimaha bulshada.
Xubnaha gudiga loo doortay hogaankaasi ayaa waxay kala yihiin: -
1. Cabdiqaadir Cismaan Jaamac Gudoomiye
2. Cabdirisaaq Cusmaan Dhageey G/ku xigeen
3. Axmed Maxamuud Dimcad Xoghayn
4. Maxamed Cusmaan Xareed Xubin
5. Haajir Saleemaan Yuusuf Xubin
allgedo@allgedo.com



