Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Reer Siyaad's highest authority speaks.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Reer Siyaad's highest authority speaks.

Postby DawladSade » Thu Aug 02, 2007 12:36 pm

Nabadoon Abshir Shareeco:Xarigga Odayaasha Waxaa Uu Dabasocdaa Dagaaladii Ka Dhacay Magaalada Kismaayo
Aug 01,2007
by B/Xaawo-GEDO-NN
Nabadoon Abshir Nuur Shareeco oo ka mid ah nabadoonada gobalka GEDO ayaa war saxaafadeed uu ka soo saaray gobalka GEDO ku eedeeyey in dowladda federaalka ahi ay ka dambeysay xarriga loo geystay siyaasiin iyo waxgrad ka soo jeeda gobalka GEDO oo lagu xirxiray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kadib markii ay codsi qoraal ah u soo gudbiyeen kooxo ka tirsan maleeshiyada nabadsugidda dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Nairobi sida ay xaqiijiyeen ciidanka dembi baarista ee wadanka Kenya.

Chief Shareeco ayaa waxaa ku sheegay warsaxaafadeedkiisa in xarriga loo geystay siyaasiinta, waxgaradka iyo ganacsatada uu dabo joogo dagaaladii ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaliya oo fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo oo looga adkaayay mid ka mid ah ciidamadaasi. Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay "in hadii dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo loo bedelo in dadka lagu ugaarsado wadamada deriska ah, in waxii ka yimaada ay dhabarka ama masuuliyadda ay qaadi doonto dowladda federaalka iyo masuuliyiinteeda ugu sareeysa oo ku yiri waa inay ka waantoobaan wax alle waxii keeni kara inuu lagu sii kale fogeeyo beelaha Soomaliyeed, ayna joojiyaan falalka afduubka ah oo ay ku maleegayaan wadamada deriska ah".

Nabadoonka ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkiisa ku sheegay "inaysan marnaba ogaalaalin in iyadoo la leeyahay shir beeleedyo ayaa ka socda caasimadii Muqdisho oo beelaha lagu heshiisiinayo, in hadana dad ka tirsan hal beel lagu ugaarsado wadamo kale oo cunaqabaytan lagu soo rogo ganacsigoodii, xoriyadoodiina laga qaado, si buu yiri loo huriyo colaadaha ka jira gobollada Jubbooyinka oo u baahan in si wadojir ah wax looga qabto".

Chief Abshir Nuur Shareeco ayaa sidoo kale sheegay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan waxgaradkii iyo siyaasiin xarigga loo geystay, dowladda ay jawaab ka soo saarto sababta ay waxgaradka hal beel ka soo jeeda ay si gooni ah ugu ugaarsanayso wadamada deriska la ah Soomaliya.

Nabdoonka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay wadanka Kenya inay si shuruud la'aan loo siidaayo waxgaradka iyo siyaasiinta ka soo jeeda beesha SADE oo uu yiri waxaa naga dhaxeeya wadanka Kenya deris wanaag iyo iskaashi dhinac walba ah, uguna baaqay inaysan la safan dhinac ka mid ah beelaha Soomaliyeed.

GEDO-NN-B/Xaawo

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests