Xildhibaan Barre Hiiraale Oo Ku Sugan Magaalada Addis Ababa Ee Wadanka Itoobiya
Aug 05,2007
by Addis Ababa-GEDO-NN
Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo intii muddo ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya.
Xildhibaanka oo ay martiqaad u fidisay dowlada Itoobiya ayaa lagu soo warbixinayaa in magaalada Addis Ababa uu wado hadalo kula yeeshay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada waddanka Itoobiya. Wadahadaladaasi ayaa warar aanu ka helnay Addis Ababa ay sheegayaan in ay ku saleysan yihiin qilaafaad ka dhaxeeyay xildhibaanka iyo masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada federaalka Soomaaliya iyo wadohadallo gaar ah oo uu la yeeshay siyaasiin iyo waxgarad ka soo jeeda beesha SADE ee ku sugan magaalada Addis Ababa.
Xildhibaanka oo ku sugnaa Magaalada NAIROBI 27-bishii 6 aad ilaa 1dii bishii 8 aad kaddib markii uu ka badbaaday weerar qarax ah oo lala beegsaday gaarigii uu saarnaa, kaasoo ahaa isku day dil. Safarka Xildhibaanka ayaa ku soo aaday xili uu Addis Ababa uu tagey R'iisul Wasaare Geedi dhowr cisho ka hor.
Mohamed Gaarane-GEDO-NN-Baardheere/GEDO



