Postby sadeboi » Tue Sep 11, 2007 1:17 pm
Marxuum Faarax Warsame Jiifaa Oo Galabta Lagu Aasay Qabuuraha Dayacan Ee Magaalada Caabdudwaaq
Sep 11,2007
byCaabudwaaq-G/Guduud-GNN
Allaha unaxariistee waxaa galabta lagu aasay qabuuraha Dayacan Ee Magaalada
Caabudwaaq Faarax Warsame Jiifaa oo ku magac dheeraa "Faarax Jiifaa". Aaska marxuumka ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad ufara badan oo ka koobnaa qaybaha bulshada.
Marxuum Faarax Jiifaa ayaa ahaa Sarkaal ka tirsanaa Hey'adda Caafimaadka aduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan "WHO", xiliga la dilay marxuumka wuxuu ku guda jiray hawl shaqo oo ah talaalka cudurka dabaysha oo u qaabilsanaa WHO degmada Caabudwaaq.
Dilka sarkaalkaan ayaa ku salaysnaa aano qabiil, ragii dilka geystay ayaa baxsaday oo aan gacanta lagu dhigin, xaalada magaalada Caabudwaaq ayaa hada degan waloow markii dilku uu dhacay ay ka jirtay xaalad kacsan.
Gedonet, Caabudwaaq-GEDO-NN
----------------------------------------------------------------------------------------
Reer-wardheer of Wagerdhac killed him, he is reer-cabdile allahmagan of r/dalal, illaahay ha qaboojiyo meeshaas, but if other Marexaans don't interfere then I think they might fight because the guy was the HEAD OF REER-DALAL.