Xaalada Nabdgalyada Caabudwaaq oo hada aad u wanaagsan iyo Ol’olle Nabadeed oo ay wadaan Dadka Deegaanka.
Xaalada amaanka magaalada Caabudwaaq ayaa hada aad uga fiican sidii ay ahayd shalay Galab , hada waxaa socoda qorshe lagu baadi goobayo in la qaboojiyo dhibaatada hada taagan ee ka dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ah.
Kulamadaas oo ah kuwa ay wadaan Odayaasha dhaqanka Beelaha R/siyaad Xusseen, Celi, Habarciisse. Uurmidig, Hawraarsame, Cele dheere, waxaana midaas ayada daba socda Ol’olle Nabadeed oo ayaguna dhankooda ay ka wadaan, dhalinyaro iskood isku abaabulay waxaana dhalinyaradaas ka mid ah C/rashiid Shiiq Axmed oo ka mid ah macalimiinta Hirda, waxana uu C/rashiid ii sheegay in ay doonayaan in ay waqtibada ku beerdareeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waxa ay u baahan yihiin midaas oo ah in lahelo Nabad waarta taasoo dhexmarta labada Beelood ee Wagardhac & R/dalal.
Sikastaba ha ahaatee Caabduwaaq waxaa fooda kusoo haya dhibaato weeyn hadii aan midaasna laga hortagin waxaa suurta gal ah in uu halkaas ka yimaado dib udhac weeyn midkaasoo saamaynaya Nolosha Dadweeynaha ku dhaqan Deegaankaan Waqooyiga G/gaduud, sidaas awgeed qofwalba oo u dhashay deegaankaan waxaa lagama maarmaan ah in uu kaalin mugleh ka qaato Nabada deegaanka hadii ay tahay in uu ku bixiyo dhaqaale & in uu la yimaado Fikradiisa wanaagsan ee uu uga faa’iideeyo dadkiisa & Deegaankiisaba.
Allwadani Caabudwaaq Somalia
Zaynudiin_z@hotmail.com




