Mustaf Jaamac ool agu eedaynayo inuu Diley haweeney British ah oo laga qabtey Gaalkacyo ayaa loo duuliyay dalka Ingiriiska
Mustaf Jaamac oo 27 jir ah waxaa uu ku eedeeysan yahay dilka askariyad la oran jiray Sharon Beshenivsky oo 2005-tii lagu toogtay bannaanka xarunta waaxda socdaalka ee magaalada Brandford.
Mustaf Jamac waxa u suurtagashay inuu ka soo dhoofo garoonka Heathrow ee magaalada London dabayaaqadii sanadkii 2005-tii, isagoo xiran xijaabka haweenka Muslimiintu xirtaan isla markaana isticmaalay baasaboorka gabar isaga la dhalatay.
Mustaf Jaamac waxaa la sheegay in maalintii shalay ahayd loo duuliyay dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo lagu wareejiyay saraakiil baarayaal British ah oo ku sugayay garoonka dayuuradaha ee Dubai. Su’aalo ay weydiiyeen ka dib waxay baarayaashu ay ku dareen ninkaasi diyaarad ku sii jeeday magaalada London oo la sheegay xalay 2-dii inay ka degtay garoonka Heathrow.
Ma jiro wax heshiis ah oo isu gacangelin dambiilayaasha ah oo horey uga dhaxeeyay dowladda Britain iyo waddanka ay dagaaladu la dageen ee Soomaaliya,Balse arrintan waxaa fududeeyay baa la yiri ka dib markii uu heshiis is afgarad ah uu dhexmaray labada dowladood xagaagii 2006-dii, oo ay iska kaashadeen wasaaradda arrimaha dibadda ee DKMG ah iyo qunsuliyadda Britain ee magaalada Nairobi.
Wargeyska The Times oo soo qoray warbixintan ayaa sheegay in haweeney u hadashay xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo Sooranka ay uga mahadcelisay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed gacantay ay dowladdiisu ka geysatay fududeynta arrintan.
Mustaf Jaamac waxaa dhalay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya xilligii ay dhisneyn xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, aabihii waxaa la sheegay inuu qaraabo dhow la ahaa madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Allgedo-News






