Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ismarinwaa ka dhex taagan Marehan iyo Gudiga Reer Faraax Uga

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Ismarinwaa ka dhex taagan Marehan iyo Gudiga Reer Faraax Uga

Postby Alta Vista [Bot2] » Thu Nov 15, 2007 1:44 pm

Ismarinwaa ka dhex taagan Gudiga Nabadeynta Mareexaan iyo Gudiga Reer Faraax Ugaas
Caabudwaaq, Somalia - Shir ay ku wada yeesheen Gudiga Nabadeynta Mareexaan iyo Gudiga reer Faarax Ugaas Hoteelka Ducaale ee magaalada Caabduwaaq galabnimadii shalay oo looga wada hadlaayay habkii loo xalin lahaa dilkii allaha u naxariiste Farrax Warsame Diiriya (Faarax Jiifa) oo la dilay 11/9/2007 ayaa waxaa ka dhasahy ismariwaa ladda dhinac ah, waayo gudiga nabadeynta Mareexaan wuxuu hawshaan gacanta ku hayay mudo laba bilood ah, wuxuuna u kale dab-qaadayay labada beelood oo kale ah Wagardhac iyo Reer Faarax ugaas, waxaana la isla fahmi waayay habkii loo maareyn lahaa dhimashadii Faarax jiifaa.

Horey wuxuu gudigu ula shiray Beesha wagardhac, wuxuuna dilkii Faarax Jiifa ku ganaaxay Wagardhac 120 Malyan oo Shilin Soomali ah iyo labdii qori oo lagu dilay oo Kafan iyo Duug ah, wayna aqbaleen, waana keeneen, magtiina waxaa looga wada hadli lahaa markii la kala qaato kafanta iyo duugta.

Gudiga Nabadeynta Mareexaan wuxuu usoo jeediyay Gudiga Reer Faarax Ugaas Talooyinkaan:-

1)- In si dhab ah loo lafa guro khilaafyada dhex yaala Reer Farax Ugaas iyo Wagardhac, lana xaliyo tabashada cid kasta una soo bandhigto Gudiggaan.
2)- In dilkii Faarax Jiifaa la raaciyo dadkii ka horeeyay, wixii ka dambeeyana xeer laga goosto.
3)- In labada beelood ay joojiyaan dilalka kale aar-goosiga ah oo ay ku nafwaayeen ilaa 22 qofood oo uu ugu dambeeyay Faaraqx Jiifaa, una soo fariistaan xisaabtan iyo wada hadal dhab ah.
4)- In markii la xaliyo dilkii Faarax Jiifaa la'iskugu yeero Guurrtidii iyo waxgaradka Marexaan, xalna loo helo dilalka maalayacniga ah ee dilaayo waxgaradkii Mareexaan ee Gobolaka Galgaduud.

Talooyinka uu gudigu usoo jeediyay Beesha Reer Faarax Ugaas si toos ah bay uga horyimaaden, taasina waxay keentay in uu ismarinwaa ka dhex-dhasho Gudigii Nabadeyna Mareexaan iyo Gudii reer Faarax Ugaas, waana lagu kale dareeray shirkii ayadoon wax heshiish ah lagu kala gaarin.

Waxaa dhawr jeer gudigu isku dayay in uu dhameeyo khilfaadka u dhaxeeyay labadas bilood, waxayna mar kasta ka socon wayday beesha Reer Faarax Ugaaas oo cakireysay arrinta, wixxi ka soo kordhana waan idinla soo socodsiin doonaa.

Katimd: Golaha Guurtida Mareexaan ee Waqooyiga G/gaduud oo Fadhigoodu yahay Hotel Ducaalle.


Zeynudin, wariyaha Allgedo ee C/waaq
allgedo@live.com


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests