Waa Sidee Xaaladaha Amaan Ee Magaalada Kismaanyo?
Dec 04,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Marka laga hadlayo xaaladda ammaan ee magaalada kismaayo ayaa waxaa markiiba niyaddaada ku soo dhacaysa is babaddalladii badnaa ee ay soo martay magaalada xilliydii ugu dambeeeyay iyo dagaaladii dhimashada iyo badan sababay ee magaalada ka dhacay bilihii April iyo June ee u dhexeeyay cutubyo ka tirsanaa ciidamada DFKMG Soomaaliya oo hab beeleed u kala baxay, kuwaas oo lagaga gacan roonaaday garab ka mid ah labadii garab ee halkaas ku dagaallamay.
Tan iyo wixii ka dambeeyay xilligaas ayaa waxaa ammaanka magaalada gacanta ku hayay ciidamada guutada sadexaad ee ciidanka xoogga dalka soomaliyeed oo gacan ka helaya hogaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka oo ayagu ahaa ciidankii ku awoodda roonaaday dagaalkii ka dhacay magalada. Waxaana isla markiiba la asaasay ciidan ammaan oo tiradiisu ay ka badan tahay boqol askari, kuwaas oo u dhammaystiran yahay agabkooda ciidan, isla mar ahaantana awood loo siiyay in ay la dagaalammaan burcadda dhanka haybta hadday rabaan hakala soo jeedaane, waxa ayna hawgallo ka billaabeen guud ahaan xaafadaha magaallada iyo tuulooyinka hoos yimaado.
Sidoo kalena, waxa uu ciidanka ammaanku dabayaaqadii bishii tagtay hawgallo ka fuliyay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Kismaayo Jilib ee gobollada J/hoose iyo J/dhexe halkaas oo ay ka qaadeen in ka badan labo iyo toban jidgooyo oo sharci daro ah oo ay kooxo hubaysani halkaasi dhigteen ayagoo xabsigana dhigay ilaa afartan ka mid ah kooxihii jidgooyooyinka ay u yaalleen, kuwaas oo loo jaray xabsi gaaraya afartan iyo shan cisho midkiiba in kastoo markii dambe eheladooda laga saxiixay in aysan u laabanayn fal dambe oo amniga ka dhan ah.
Intaas oo kaliya ma ahee inta badan odayaasha dhaqanka ee beelaha deegaanka ayaa iyana waxa ay gaareen heshiis dhigaya in qofkii qof dila isna la dilo taasoo yaraysay dilalkii isdaba joogga ahaa ee ka dhici jiray magaalada kismaayo waxaa kale oo intaa dheer in maamulka haatan magaalada iyo gobolladan ka arrimiyo ee uu hogaamiyo Dr C/Rizaaq Faarax Cali (Taano) uu wacad ku maray in uu sharciga la tiigsan doono cidii ku kacdo fal ammaanka ka dhan ah, sidoo kalena waxaa ciidanka ammaanka awood loo siiyay in ay la dagaallaman cidii haqadooda ka hortimaado.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la dhihi karaa amaanka kismaayo iyo deegannada hoos yimaada uu ku guuleystay inay xakamayaan ammaanka, maadaama uu ciidankan ammaanka yahay kii ugu cimriga dheeraa ee si xiriir ah uga shaqeeya magaalada kismaayo, iyadoo markasta oo ciidan ammaan la abaabulo uu fashilmi jiray mudo isla mar ahaantaana loo baahan jiray in mar kale dib loo abaabulo.
X Xareed Axmed-GEDO-NN-Kismaayo




