Beesha Sade oo dooratay guddoomiyaha Golaha siyasadda
Kadib kulamo iyo shirar aan kala go' laheyn oo maalmahan ka soconayey xarunta odayaasha dhaqanka ee beesha Sade ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo ayaa goor dhaweyd oo maqribkii ah waxaa lagu dhawaaqay guddoomiyaha Golaha siyasadda beesha Sade kadib markii xilka laga tuuray guddoomiyihii hore Ismaaciil Maxamed Nuur (Qalinle), khilaaf jira awgeed.
Hoggaanka dhaqanka ayaa sheegay in tartan ay wada galeen raga lagu kala magacaabo Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer), Ismaaciil Maxamed Nuur (Qalinle) iyo Xaaji Maxamed Mire uu cod 15 gaaraya uu kaga guuleystay musharaxiinta kale Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), sidaasna uu ninkaasi ku noqday guddoomiyaha cusub ee Golaha siyaasadda beesha Sade.
Inkastoo aysan jirin cid si toos ah uga hadashay magacaabista Yaasiin Raadeer ee guddoomiyaha Golaha siyaasadda beesha Sade ayaa haddana hadal heynta ugu badan ee caawa Kismaayo taalla waxaa ay tahay ammuurtan oo goobaha la isugu yimaada si weyn looga sheekeysanaya.
Magacaabista Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) oo loo doortay in qabto xilka guddoomiyenimada beesha Sade ee gobolka J/hoose ayaa ku so aadeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhashay xil ka xayuubintii lagu sameeyey Dr C/risaaq Faarax Taanno, waxaana muddo ka yar 20 cisho si lagu muransan yahay mansabka guddoomiyaha Golaha siyasadda beesha Sade u hayey Ismaaciil Qalinle, ma cada sida loo taageeri doona guddoomiyaha cusub ee hadda la doortay.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.



