Shir ay ka soo qayb galeen 7-Beelood oo ka kala tirsan Beelaha Sade Bari ayaa waaa uu shalay ka furmay Magalaada Caabudwaaq waaana shirkaas looga wada hadlayay sidii loo wada samaysan lahaa maamul loo wada dhan yahay.
Shirkaan ayaa waxaa gogashiisa dhigay beesha R/siyaad xuseen waxaana ka soo qayb galay dhamaan beelaha sade bari marka laga reeebo beesha R/faarax ugaas, kulan kaas shalay ayaa waxaa kasoo qayb galay odayaal dhaqameedyo gaaraya ilaa 100-nabadoon.
Kulankaas ayaa waxaa uu soconayanaa sida uu noo xaqiijiyay Sh/Maxamed C/jawaan oo ahaa Xoghaynta shirkaas mudan dhan 2-isbuuc,.
Kulankii shalay ayaa waxaa goobta shirka la soo hordhigay qoraalo, kuwaasoo ahaa habsamida uu usocndoono hanaanka shirka mudada ay soconayaan kulamadasi, shirkaaan ayaa waxaa loogu magacdaray "Dib u Nooleeynta Hogaan Wadaaga Beelaha Sade Bari"
Sidoo kale maanta oo ah isniin ayaa waxaa ay beelahaasi ay la kulmi doonaan beesha Maxamed Amaanreer.(Wagardhac)
Waxii kasoo baxa warar dheeraad ah kulamadaas beelaha sade bari ee ka soconaya deeregaanka Waqooyiga G/gaduudee magaalada caabduwaaq waxaan idinkugu soo gudbindoonaa hadii alle idmo webseedkeenaan Alwadani.com.
Xaafiiska Warqabadka Allwadani
Allwadani@live.com




