Waxyaabihii looga wada hadlay kulankii shalay ka dhaqay xarunta wada tashiga kuma koobneen maamul samayn ee waxaa looga wada hadlay sidii loo soo afjari lahaa qilaafaadka u dhaxeeya beelaha wada daga deegaankaan, waxaa kaloo si weeyn looga hadlay intuu socday kulankaas oo qaatay saacado badan sidii looga samatabixi lahaa abaaraha ba-an ee ka jira deegaankaa waqooyiga galgaduud waxaana ugu danbeeyntii kulankaas laga soo saaray baaq ay beelahaas ugud binayaan hey'adaha caalamiga jaaliyadaha dibada ee u dhashay deegaankaan.
Ugu danbeeyntiina waxaa labalamay in maalmaha soosocda kulan kale la iskugu yimaado si loo jeex jeexo sidii loo dhisi lahaa gudi abaareed oo latacaala dhibaatadaan ka jirta deegaanada waqooyiga galgaduud.
shirkaan shirkii ka horeeyayna waxaa uu ka dhacay maalin ka hor isla goobta uu shirkaan shalay lagu qabtay kasoo ay ka soo qayb galeen 7-beelood oo ka tirsan beelaha sade bari waxaana halkaas lagu kala qaatay go-aamo ay ka mid yihiin sidii xal loogu helihaa arimaha maamulka magaalada, iyo sidii loo dardargalin lahaa hurusocdka nabada oo ay mudo dhan 7-bilood ay u fadhiyeen gudo odayaal dhaqameedyo oo ka kooban 9-beelood oo ah beelaha mareexaan gudigaas oo uu hogaaminayay Ugaas Ergo Cali Mire.
Magacyadaq Odahaasha Beesha Wagardhaceed
1-Nabadoon Geele Mire haragweeyn
2- Nabadoon Fagad Yuusuf Cali Waalid
3- Nabadoon Cali Wali Xaaji Ilkadahab
4- Nabadoon Cabdi hanqar aaden Buraalle
5- Nabadoon Axmed Soobe
6- Cornel. Wadaadyare Cabdulaahi
7- Nabadoon Cabdi Xirsi Aden
8- Corrnel. Faarax Galangooli
9- Nabadoon Dan'laan Aden Xaashi
10 Nabadoon Abshir Cartan Aden
11-Nabadoon Cali Jaamac Maxamed (Baarleex)
Magacyada Odayaasha Reer Siyaad Xuseen.
1- Nabadoon Faarax Nuure Xuubeey
2- Nabadoon Cabdi aaden (Af-ku xoogweyn)
3- Nabadoon Axmed Maxamed Cade (Buunshax)
4- Nabadoon Xaaji Baban Faarax Dheere
5- Nabadoon Cali Saafi Cabdille Jimcaale
6- Nabadoon Cawil Cali Leysir
7-Shiiq Maxamed Cabdi Jawaan
8-Shiiq Cabdi wali Cali Caabi Salaad
9-Shiiq C/rashiid Yaasi C/jaamac
10-Dr. Cawil Faarax Socoto
11-Nabadoon Cabdul qaadir Faarax Gureey
12-Nabadoon Faa'id Cabdile Maxamuud
Xaafiiska Warqabadka Allwadani
Allwadani@live.com