Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gedo oo ay duufaano Siyaa-Sadeed Gil gilayaan iyo dhismihii

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Gedo oo ay duufaano Siyaa-Sadeed Gil gilayaan iyo dhismihii

Postby CoolPoisons » Fri Jan 18, 2008 4:20 am

Waxaa iminka gaba gaba ku dhow Maamul u sameynti dagmooyinka Gobolka Gedo.waxaana xigo maamul u sameyna G/Gedo oo aad moodo in ay Maalmo naga xigaan, waxaana haatan u sharaxan Xilka Gudoomiye nimada G/Gedo inta la ogyahay ilaa Sadex Musharax, waa gudoomiyahaha G/Gedo Mudane Aadan Ibraahin Aw-Xirsi (Cirro), gudoomiyihii hore ee Gobolka Jaale Xaseen Sh Cabdi Ismaaciil (Fareey), iyo Jamaal Xasan Sarey.

Waxaana marba marka ka danbeyso sii kordhayo loolanka doorashooyinka G/Gedo iyo dadaalada ay sameynayaan musharixiinta. Marka aad musharixiinta wax ka weydiiso sida ay tahay rajadooda ku aadan in ay helaan xilka Gudoomiye nimada G/Gedo ayuu mid walba kuu sheegayaa in uu ku kalsoon yahay shacabka ku dhaqan G/Gedo.

Hadii aan ku horeyno Cirro oo haatan ah gudoomiyaha G/Gedo mar aan wax ka weydiinay sida ay rajadiisu tahay ayaa hadaladiisii waxaa kamid ahaa "waxaan horseed u ahay jiilka qurbaha joogo oo u soo laabtay in ay dadkooda hormariyaan hadii ay na aqbalaan, in aan gaarsiino gobolada kale ee dalka, iyo in aan ka fayoobayno Colaada oo aad u habsaamisay inta badan shacabkeena Reer Gedo oo ah dad wada dhashay wuxuuna gaari doonaa qofka reer Gedo-ha ah in uu xor ku noolaada meel kasta iyo dagma kasta".

Mar aan Cirro wax ka weydiinay xiriirka ka dhexeeyo isaga iyo xildhibaanada G/Gedo oo inta iminka la magacaabay gaaraya 18 xildhibaan ayuu Cirro sheegay in ay dhamaan tood ay xiriir wanaagsan leeyihiin marka laga reebo ayuu yiri labada musharax ee loo lanka kula jirta waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kalana mar aan Xuseen fareey xiriir arintaa kala sameynay xiriir ayaa ku nuux nuux saday in uu ku qanacsan yahay doora shooyinka uu heys tana taageero ku filan. Musharaxa Sedexaad oo haatan ku sugan Waqooyiga G/Gedo gaar ahaana dhulka daawo loo yaqaan ayaan soo gaarin Bar tamaha G/Gedo oo ay iminka ku sugan yihiin Cirro iyo Fareey, ahna meesha lagu qaban doono doorashooyinka Gobolka Gedo.

Iyada oo ay xiligaan ka harsan dhismaha G/Gedo dagmooyinka B/dheere iyo Luuq oo kaliya, ayaad moodaa in uu habeynba habeynka ka danbeeyo sii kordhayo isu socodka iyo xariirka ka dhexeeyo 18 xubnood ee gololaha deegaanka G/Gedo iyo musharixiinta u taagan xilka gudoomiye nimada G/Gedo, waxaana la saadaalin karin cida ku soobixi doonto gudoomiye nimada Gobolka Gedo oo maal mahan danbe hadal heyn teeda ay hareysay Bartamaha iyo daafaha G/Gedo.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests