Postby Voltage » Thu Feb 14, 2008 12:23 am
Sida lay gafay ayaan anigu meesha ku qoslayaa. Waryaa Xoog ma Xassan Turki baad iga urisay ninyaho sow taan Gudoomiyaha Siyaasada ee Beesha Sade ku dhaqan Snet ahaa lol kkkkkkkkkkkkk
*Back to Business*
Mudane Cali Gaab,
Sow dhawaaw walaal, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaad mar nagu soo booqatay hoygayagu ee Gedo Section. Sida laguu sheegeey ama laguugu war geliyey Precious waa inan aad iyo aad u qiimo badan oo meel qaali ah kaga beeran tolka meesha isugu yimi sidaa ay tahayne waa dumar waana la caashaqi karaa. Mar hadaad Precious go'aansatay inaad doontid, waxaa talayadu tahay inay ayadu ku aqbasho, ka bacdine dee aad inoo timaadaan idinkoo isla socdo.
Jaale XoogSade maadama uu yahay duqa Degmada waa inuu aqbalo go'aankiinu. Jaale Sadeboi maadama uu Suldaanka yahay waa inaad ku heshiisaan sooryada, intaa haduu Alle iskugu kiin dubaridana diyaar baan u ahay inaan Faataxada idinku akhriyey mar hadii la waayay Sheikh Murax.
Waa billahi towfiiq,
Sheikh-to-be Voltage
p.s. Precious haday ku diido, Naimma oo la qaali ah baa joogto amaba Shankaroon.