Odayaal iyo waxgrad ka soo jeeda beesha Reer Xirsi Diini oo ku kala sugan wadamadda Maraykanka, Yurub, Kenya iyo Itoobiya oo la soo xiriiray xafiiska Gedonet ee magaalooyinka Columbus iyo Kampala ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin dilkii ka dhacay caawa magaalada Caabudwaaq oo nin gacan ku dhiigle oolaba marxuum oo la kale yiraahdo Hurre Warsame Xiireey iyo Cadaawe Cigaal oo labaduba midna uu la dhashay, midna ay ilmo adeer ahaayeen. Waxayna waxgaradkani tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen labada marxuum.
Waxgaradkani waxaay codsigooda ku sheegeen in ninka falka dilka geystay lagu qaado shareeecadda islaamka oo la qasaaso, taasina ay tahay midda kaliya oo xal waara lagu keeni karo, falalka dilka oo noocaan oo kale ahna looga hortagi karo. Waxgradka iyo odayaasha ayaa sidoo kale ka digay in haddii gacan ku dhiglahaas la daayo ay keeni karto cawaqib xumma, taasoo ay sheegeen inaaysan u wanaagsanaan dadka degaanka.
Gacan ku dhiiglaha ayaa horay ugu dilay magaalada Caabudwaaq marxuum la oran jiray Saciid Darbaal kaasoo abti ugu aadanayaa gacan ku dhiiglaha. Wararkii ugu dambeeyey oo uu soo tabinayo wariyaha magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha maanta falkaan gaystay lagu hayo saldhigga booliska ee magaalada, maalinta berri ahna maxkamad la horkeeni doono.
Odayaasha iyo waxgaradka soo saaray baaqan:
1.Aadan warsame xiiray
2. Col. cabdigeelle dabaalay
3. Nabadoon cabdixaashi dhoore
4. Xasan dhoomey ciise
5. Cismaan xaraare xirsi
6. Xasan xaashi dhoore {wayax}
8. Sayid saleebaan ashkir gurbe
9. Timajilic xirsi beyle
10. Cabdi xayd gurbe
GEDO-NN-Columbus-News Desk
GEDO-Kampala News Desk