Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Reer Ugaas Diini Ugaas Faarax

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Reer Ugaas Diini Ugaas Faarax

Postby CoolPoisons » Thu Feb 21, 2008 1:54 pm

KU: Suldaanka Beesha Cali Ibraahim
KU: Hogaamiye Dhaqameedyada Beesha Cali Ibraahim
Ku: Waxgradka Beesha Cali Ibraahim
Ku: Ugaas Cumar Ugaas Xirsi
KU: Mudane Cabdirizak Ashkir Cabdi (Jiijiile),Wasiirka Gobollada iyo Horumarinta DFKMG
Ku: Xildhibaanada Beesha SADE-Baydhabo

Annagoo ah waxgrad, siyaasiin iyo hogaamiye dhaqameedyo ka soo jeeda Beelwaynta Reer Ugaas Diini Ugaas Faarax ee gobollada GEDO, Galgaduud iyo jubbooyinka oo kulamo isdaba joog ay ugu socdeen degaano kale duwan oo ku aadan waxgarad ka tirsan beeshan oo ku xiran xabsi ku yaalla wadanka Itoobiya.

Waxaan halkaan ugu diraynaa baaq ehelnimo iyo mid wadodhalasha ahba waxgradka iyo hogaamiye dhaqameedyada beeesha Cali Ibraahim (Reer Biciidyahan), kuna aadan afar nin oo ka soo jeeda Beeshan kor ku xusan oo xabsi ku yaalla wadanka Itoobiya ku xiran, xirnaashahoodana uu ka dambeeyo Maxamed Nuur Warsame Darwiish oo ah madaxa sirdoonka ee dowladda Col. Cabdullahi Yuusuf, kana soo jeeda Beesha Cali Ibraahim.

Xigtada iyo qaar ka mid ah xaasaska waxgradkaasi oo gaaray wadanka Itoobiya oo la kulmay saraakiisha Itoobiyaanka ee ku sugan xabsiga waxgaradkaasi lagu hayo ayaa ku wargeliyay in raggaasi sida kaliya lagu sii dayn karo ay tahay iyagoo warqad ogolaasho ah ka haysta Mr.Darwiish.

Waxgaradka ka soo jeeda beeshan kor ku xusan ayaa bishii Juulaay sanadkii hore ay afduub ay maleegeen niman ka soo jeeda Beesha Col.Cabdullahi Yusuf oo ka tirsan safaaradda Soomalida ee magaalada Nayroobi lagu soo qabqabtay, kadibna qaar ka mid ah laga masaafuriyay wadanka Kenya, halka seddex ka mid ahina iyo hal qof oo kale oo laga soo afduubay gobalka GEDO loo qaaday xabsi ku yaalla wadanka Itoobiya oo ilaa iyo hadda ay ku xiran yihiin.

Afarta nin oo ka soo jeeda beeshan kor ku xusan oo magacyadooda la kale yiraahdo:
1.Eng. Bashiir Axmed Cabdille Hiire (Ina Axmed Jalato)- (Reer Dalal Ugaas Diini)
2.Aadan Cabdi Axmed (Adan Coonbe)- (Reer Siyaad Ugaas Diini)
3.Maxamed Axmed Cabdi- (Reer Ugaas Sharmarke Ugaas Diini)
4.Axmed Diiiriye Cali Cadcad- (Reer Siyaad Ugaas Diini) oo asagu laga afduubay degaan u dhow degmada Luuq ee gobalka GEDO, xilli uu wade ka ahaa baabuur uu la lahaa nin ay qaraabo yihiin cuntooyin gargaar ah u waday degaano ka tirsan gobalka, kadibna loo gacan galiyey ciidamada Itoobiya.

Hadaba, annagoo ka duulayna wadodhalashada iyo deris-waanaagga soo jireenka ee ka dhaxeeya beesha Cali Ibraahim iyo beeshayada waxaan ugu baaqeynaa inay gacan ka geystaan soo sii deynta waxgaradkaasi oo aanu aamisan nahay inay ka dambeeyeen caanaasiir ka tirsan beesha Maxamuud Saleebaan oo aargoosi, colaado iyo loolan siyaasadeed oo soo jireen ah ay ka dhaxeeyaan beeshayada.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee ka tirsan dowladda federaalka inay ka jawaab rasmi ah ay ka bixiyaan aamusnaanta ay ka aamusan yihiin xarriga sharci darro oo qabiilka ku saleysan oo waxgaradkaasi loogu haysto wadanka Itoobiya.

Waxaan kale ku wargelinayaa waxgaradkii, siyaasiintii iyo hogaamiye dhaqameedyada beeshan inay sii wadi doonaan dadaadlkii ay ugu jireen soo deynta waxgaradkaasi, iyada oo kulamadii looga xaajanooyay ay sii socon doonaan oo goaamo rasmi ah oo ku aadan mowqifka ka dambeysta oo ay beeshu si wadojir ah ay u qaadan doonto labadan usbuuc ee soo socota oo la rajeynayno in la soo gabagabeeyo kulamadaan gaarka ah.

Waxaa lagu wargelinayaa guddigii loo xilsaaray soo deynta waxgradkaasi iyo siyaasiintii kaleba kulankii uu dhici doono khadka Teleconferenska maalinta axadda oo socota oo ay ka soo qeyb gali doonaa hogaamiye dhaqameedyo iyo siyaasiin ku kale sugan seddexda gobol ee ay beeshu dagto iyo wadamada dibadda ah.

Axmed Xirsi Cabdi (Xirsi Faras Ka Dheereeye)
Coopenhage, Denmark

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests