Maxay diinta Islaamku ka qabtaa dilka ama qisaasidda qof waalan?
Posted by Opinion
Wednesday, February 20 @ 20:18:27 PST
Khaliif Warsame Xiireey oo shalay lagu qisaasay magaalada Caabudwaaq ka dib markii ay cadaatay sida ay ku doodayso maxkamadda Caabudwaaq, inuu dilay walaalkiis iyo nin ay ilma adeer ahaaayeen ayaa waxaa soo baxaya warar isa soo taraya oo sheegaya in Khaliif Warsame Xiireey uu ahaa qof aysan maskaxdiisu taam ahayn oo waalan.
Arintaan naxdinta leh ayaa ah mid wax u dhimaysa sumcadda maxkamadda la saaray Khaliif Warsame oo aanan raacin hanaanka qisaasta ee ay diinta Islaamku banaysay. Sida ku cad sharciga caalamiga ah ee ay bini-aadamku samaysteen iyo tan ilaahay jideeyey ee diinta islaamka waa meel ka dhac in qof caqligiisu iyo maskaxdiisu aysan taam ahayn in la dilo, aysanna jirin wax ku waajiba xitaa salaadda oo qof waliba ku waajibtay ee aan cidina aanan laga dhaafin.
Khaliif Warsame oo la dilay isagoonan loo ogolaan inuu ka doodo dambiga lagu soo oogay, ayaa si boobsiis ah lagu qaarajiyey, iyadoo maamulka Caabudwaaq oo qiil ka dhiganayo inay ku cibraqaataan kuwo u heelan inay wax dambe dilaan, isla markaasna ay beeshiisu codsatay in la dilo.
Waa wax caqliga bini-aadamka ka fog in qof nafiisa la gooyo, sababtoo ah waxaa codsaday beeshiisa sida ay wararku cadaynayaan.
Maxay kula tahay aqristow ninka odayga ah ee Khaliif Warsame Xiireey ayaa la toogtay ka dib markii ay beeshiisu codsatay ahaana qof maskaxda looga jiray, loona diiday inuu ka doodo dambiga lagu soo oogay?



