Muqdisho 05 march 2008 (Allceeldheer)
Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa'udiinka ka soo jeeda deegaanka Dhabad ee Gobolka galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay ku guuleeysteen qaadista jidgooyooyin dhowr ah oo in mudo ahba yaalay wadada laamiga ah ee marta deegaankaasi
Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa'udiinka deegaankaasi ayaa u istaagay qaadista in ka badan 10 jidgooyo oo dadka lagu dhibaateeyn jiray kuwaasoo la sheegay in ay halkaasi yaleen in ka badan 15 sano
Talaabadan ay qaadeen Culumaa'udiinka iyo Odayaasha deegaankaasi ayaa waxa soo dhaweeyay qeybaha Bulshada ee ku dhaqan deegaankaasi iyo dadka inta badan ku safra wadadaasi




