Wafti maanta ka ambabaxay magaalada Kismaayo oo aaday degmada Afmadow
Xubno wafti oo isugu jira siyaasiyiin iyo hoggaamiye dhaqameed ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Kismaayo, kuwaasoo u kicitimay degmada Afmadow ee gobolkan J/hoose, halkaasoo la sheegay in ay kaga qeybgali doonaan kulan nabadeed ka dhacaya oo ay yeelanayaan laba kamid ah beelaha dega gobolada Jubbooyinka.
Xubnahan oo ka kooban 8 xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya suldaanka beesha Sade ee gobolka J/hoose Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow, waxaana socdaalka qeyb ka ah Maxamuud Cali Magan oo ahaan jiray safiir, Col: Ismaaciil Haaruun, Xayle Cabdi Faarax, Nabdoon Cabdi Warsame Gurux, Nabdoon Cali Diirshe Danan, Bille Cabdille Cabdi iyo xubno kale. Ujeedada safarkooda Afmadow ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto arrimo dib u heshiisiineed iyo qorshaha barnaamijka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ee Jubbaland State.
Afhayeenka beesha Sade ee gobolka J/hoose Xasan Maxamed Cali (Dheere) oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay baxeen waftiga ayaa sheegay in ay martiqaad rasmi ah ka heleen Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ah suldaanka beesha Absame ee gobolka J/hoose, islamarkaana buu yiri ay kala soo hadli doonaan sidii loo nabadeyn lahaa beelaha ishaya, looguna sii gudbi lahaa sees u qotominta maamulka goboleedka Jubbaland oo ah arrin si aad ah looga hadal hayo halkan.
Marka ugu horeysay oo ay gaaraan degmada Afmadow waftigan oo 6 kamid ah ka soo jeeda beesha Sade ayaa la filayaa in ay kulan gaar ah oo gogol xaar u noqan doona shirka nabadeynta la yeeshaan Suldaan Cabdi Cali Sonkor, ayna ka wada manaaqashoodaan sida loo heshiin kara, iyadoo rajo buuran laga bixinayo in khilaafka labada beelood ee hadda ku madlan Afmadow la dhameeyo.
Waa safarkii ugu horeeyey oo ay xubno wafti tiradooda intaasi la'eg tahay, isku beelna ah islamarkaana u socda howl nabad raadin ah ay ugu baqoolaan Afmadow inka badan 10 sano, waxaana beelahan ay yihiin kuwa u dhexeeya khilaaf in muddo ah raagay..
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.



Xidig
