precious_dyme i called Kismayo and it's mostly Urmidig. This cadcad site also says same thing.
Kismaanyu [SSMC] 22 April 2008.
Deegaanka la yiraahdo Kudhaa oo ku yaalla Koonfurta fog ee magaalada Kismaanyo una jirta 160km ayaa waxaa ku dagaallamaya Malleeshiyaad ka tirsan Maxkamadaha iyo kuwa ka tirsan Beesha Marreexaan oo gacanta ku haya magaalada Kismaanyo.Deegaankan oo ay ku yaallaan Dekad dabiici ah oo laga dhoofiyo dhuxusha ayaa dhinaca kale wahay ka mid tahay Jaziiradaha ku yaalla Koonfurta magaalada Kismaanyo. Magaaladan oo muddo kor u dhaaftey 10 sano Saldhiug u ahayd wadaadka la yiraahdo Sheekh Xasan Turki iyo Malleeshiyaad Islaami ah, waxaanay ka guureen markii ay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay soo weerareen Ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya Ciidamada Dowlladda.
Haddaba markii uu wadaadku halkaas ka guurey ayaa waxaa meesha qabsadey Malleeshiyaad ka tirsan Beesha Mareexaan oo halkaas ka dhoofsada Dhuxusha. Haddaba waxaa maalinimada dorraad dagaal culusi dhaxmarey Malleeshiyaadka halkaas qabsadey iyo Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha.iyagoo halkaas ka qabsadey malleeshiyaadka Marreexaan, dagaalkaasna waxaa ku dhinte illaa shan qofood oo ka tirsan Malleeshiyaadka Beesha Mareexaan.
Haddaba Malleeshiyaadka Beesha Marreexaan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaanyo dib isu abaabuley iyagoo weerar ku qaadey Jaziiradda Kudhaa oo horey laga qabsadey, waxaana dagaalka maanta dhacey u suurageliyey inay mar kale dib u qabsadaan, waxayna sheegeen inay dileen 5 qofoof, 4 kale oo dhaawac ahna ay gacanta ku dhigeen.
Hase yeeshee masuuliyiinta Maxkamadaha ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaan weli arrintaas wax hadal ah ka soo saarin, iyadoo ay arrintani keeni karta xitaa in la weeraro magaalada Kismaanyo oo dagaalkan laga soo abaabuley.
http://www.ssunion.net/node/3229