
Governor Farey/Rer Garad

deputy Governor Kalil/Rer Hasan
2nd deputy Governor Mohamed Husein Buraale/Igal Siyad
Gedo:Gudoomiyaha maamulka gobolka gedo oo maanta la doortay
[2008-04-29 14:02:01] Tar tanka doorashada gudoomiyaha gobolka gedo oo maanta ka bilowday xarunta gobolka gedo ayaa waxaa lagu guulaystay in la doorto gudoomiyaha gobolka iyo ku xigeenadiisa.
Saacado fara badan oo maanta ah ayna soo socotay tar tanka doorashada gudoomiyaha gobolka kadib ayaa waxaa goor dhow lasoo gaba gabeeyay doorashadaas waxaana jagada gudoomiyaha ee gobolka gedo ku guulaystay oo loo doortay Xuseen sh cabdi Ismaaciil (fareey).
Tar tanka oo ahaa mid qof walba uu codkiisa oo qarsoodi ah uu ku ridayay sanduuqyo loogu talagalayin lagu codeeyo ayaa waxaa sidoo kale la doortay labada ku xigeen ee maamulka gobolka waxaana gudoomiye ku xigeenka koowaad loo doortay Maxamed Cabdi kaliil halka kuxigeenka labadna uu helay Maxamed Xuseen Buraale (Joon Surxun).
Goobta ay doorashadu ka dhacday ayaa waxaa goob joog ka ahaa marka laga tago 32 xubnood ee iska lahaa codadka doorashada Xildhibaano xubno ka socday wasaarada arimaha gudaha,hay,ada UNDP oo qarash fara badan ku bixisay sidii ay doorashadu u dhici lahayd ayadoo markii ay dhamaatay doorashada ay isu hambalyeeyeen ragii u tar tamayay gudoomiyaha gobolka gedo oo kala ahaa Gudoomiye Xuseen Fareey,Aadan ibrahin owxirsi iyo jamaal xasanow.
Bari ayaa la filayaa in gobolka ay gaaraan xubno isugu jirawasiiro iyo mas,uuliyiin kale oo ka socota dowladaKMG ah kuwaas oo goob joog ka noqon doona faxlada xil isu wareejinta.
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=643





