Page 1 of 1

Hambalyo Maamulka Cusub By Cabdicasiis Barre Jaamac Geri

Posted: Sat May 03, 2008 1:28 pm
by CoolPoisons
Hambalyo Maamulka Cusub Ee Gobalka GEDO: By Cabdicasiis Barre Jaamac Geri
May 03,2008
by Columbus-GEDO-NN
Anigoo ah Cabdicasiis Barre Jaamac Geri, kuna hadlaya magaca jaaliyada degan Columbus, Ohio ee dalka Maraykanka kana soo jeeda gobalada Gedo, Galgaduud iyo Jubada Hoose. Waxaan marka hore u hanbalyaynaynaa gudoomiyaha loo doortay gobalka Gedo Mudane Xuseen Sheekh Ismaciil (Fareey), waxaan ilaahay ka rajaynaynaa in aad noqoto mid xilkiisa guta dadkiisa iyo dalkiisana waxtara taariiq wanaagsana ka taga.

Waxaa runtii xusid mudan shacabka gobalka Gedo iyo waxgaradkooda samirka iyo dhabar adayga ay muujiyeen intii howshaan lagu guda jiray. Walaalayaal tariiqdu waa jire marqaati leh midaanu waxay ka mid noqon taariiqihina wanaaagsan. Waxaa laga rabaa shacabka gobalka gado in ay u muujiyaan xilkasnimo iyo wada shaqayn maamulka cusub ee loo doortay si ay ugu fududaato gudashada hawlaha adag ee looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan.

Ugu dambeyn, waa meesha Soomaalidu ka tiraahdo wada jir bay labo gacmood wax ku goynkaran, ceelna uma qodna cidna uma maqna waxaad ku tashataan waa ilaahay iyo midnimadiina.

GEDO-NN-Columbus-News Desk