Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Breaking news Hasan Dhere resigns

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news Hasan Dhere resigns

Postby CoolPoisons » Sun May 25, 2008 9:58 am

Afhayeenka beesha Sade ee gobolka Jubbada hoose Xasan Maxamed Cali (Dheere) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xubintii uu ka ahaa Golaha siyaasadda ee beesha Sade kadib markii uu sida uu sheegay la shaqeyn waayey golahaasi oo kala daatay sida cad.



''Laga bilaabo maanta waxaan iska casilay xubintii aan ka ahaa golaha siyaasadda ee beesha Sade sababtuna waxay tahay anigoo la shaqeyn waayey, islamarkaana fahmi waayey golahaasi'', ayuu si kooban u yiri Xasan Maxamed Cali (Dheere) oo ka gaabsaday in uu faahfaahin badan ka bixiyo is casilaadiisa oo mar la weydiyey in uu gudbiyey golahii uu ka tirsanaa iyo midka dhaqanka sheegay in uu keligiis go'aankan gaaray, cidina uusan la socodsiin.



Afhayeenka beesha Sade Xasan Dheere ayaa xusay in uu dib ka soo sheegi doono haddii urur ama koox kale oo siyaasadeed uu ku biirayo, hadalkaasoo laga dhandhansaday in Mr Xasan Dheere uu u xuubsiitay in uu koox kale aado, inkastoo isaga uu diiday in uu fasiraad ka bixiyo cidda ay tahay kooxdaasi, wuxuuna intaasi ku daray in uu sii heyn doono afhayeenimada beesha Sade, walow aanana la ogeyn sida suurtagal ay u noqan karto in qof aan kamid ah aheyn Golaha siyaasadda uu afhayeen sii ahaado.



Xasan Dheere oo ah nin caan ka ah gobolada Jubbooyinka ayaa muddo ku dhaw sanad xubin firfircoon ka ahaa Golaha siyaasadda ee Kismaayo ka dhisan oo uu hoggaanka u hayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer). Istaqaaladiisa ayaa ku soo beegantay toddobaad uun kadib markii mas'uuliyiin sar sare oo ka shaqeynayey dekedda caalamiga ah ee Kismaayo ay iyagana shaaciyeen in ay ka tageen xilkii ay marsadda ka hayeen, dhammaan arrimahan ayaa loo arkaa khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha Golaha siyaasadda beesha Sade.




Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.

http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=428

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Breaking news Hasan Dhere resigns

Postby CoolPoisons » Sun May 25, 2008 9:59 am

what the fock's going on?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests