Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) oo xalay war ka soo saaray xarunta gobolkaas ee Garbahaarey ayaa guud ahaan dadka ku dhaqanka gobolka Gedo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonoda gobolka iyo sidii loo gaari lahaa horumar baaxad leh oo dhammaan bulshada wax u tare, islamarkaana soo afjaro dhibaatooyinka gobolka ka jira.
Mudane Xuseen Farey ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday beello ka soo kala jeeda gobolada Gedo iyo Bay oo xurguf ay toddobaadkii hore ku dhexmartay deegaanka Laan-Garas oo ka tirsan magaalada bartmaha gobolka Gedo ku taal ee Buurdhuube, guddoomiyaha ayaa warkiisa ku sheegay in labada beelood ay isla gaaraan heshiis si khilaafaadkooda loo soo gabagabeeyo, isagoo hadalkiisa sii wato ayuu xusay Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) in dagaal uusan wax faa'iido ku fadhin, keliyana uu wiil ku dhinto ee uusan wiil ku dhalan.
Hadalka guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa ku soo beegmay xilli odayaal dhaqameed iyo waxgarad reer Buurdhuube iyo Ufurow ay bilaabeen Khamiistii dadaalllo nabadeed oo labada beelood ay isku soo hor fariisanayaan si looga heshiiyo shaqaaqoyinkii dhacay.
Xafiiska warqabadka Gedoweb ee Columbus, Ohio.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=442