G/Xigeenka G/GEDO Md Maxamed Cabdi Kaliil Oo Ka Warbixiyey Heshiis nabadeed Oo Ay Isla Gaareen Beelo Ku Dagaalamay Deegaano Ka Tirsan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo
Jun 03,2008
by Luuq-GEDO-NN
Labo beelood oo dagaalo soo noqnoqdey ay ku dhexmareen deegaano ka tirsan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo dhawaanahana wadahadalo nabadeed ay ugu soconayeen magaalada Luuq ayaa lagu soo waramayaa in ay isla gaareen heshiis buuxa oo ay ku soo afjarayaan khilaafka iyo colaadii u dhaxeysay mudada badan ,kadib kulan ku saabsan dhanka nabadda oo ay ka qeybgaleen ergooyin kor u dhaafaya ilaa 120 xubnod oo lagu soo gabagabeeyey Magaalada Luuq.
Arrintaan ayaa wax ay ka dambaysay dadaalo nabadeed oo baryihii ugu dambeyay halkaasi ay ka wadeen wafdi balaaran oo uu horkacayey Gudoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Isma'iil (Xuseen Faray) iyo Ku xigeenadiisa iyo weliba Odayaasha dhaqanka Beelaha ayaa ugu dambentii waxay suurtagal ka dhigtey in Odoyaasha iyo waxgaradka Beelahaasi in si rasmi ah u dhameeyaan khilaafkii iyo colaadii u dhaxeysay labada dhinac ee soo jiitamaysay mudada ka badan 2sano.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo.Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinacba ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo quseeya nabada iyo deganaanshaha u dhaxeeya labada beelood waxaana uu tilmaamay in Qodobka ku saabsan lahaanshaha dhulka sida gaarka loogu muran san yahay milkiyadiisa ayuu sheegay in loo balamay 50 casho ka dib.
Heshiiskan maanta ay wada gaareen Labada beelood oo qaatey mudo bil ah ayuu sheegay Gudfoomiye ku xigeenku in qabsoomida dhanka dhaqaalaha in ay ka saacideen Hay,adda Care International. Waxuuna tibaaxay xafladii gunaanadka heshiiska in ay ka soo qeybgaleen ergooyin ka kala socda Gobolada Gedo,Bay,Bakool iyo Gobolka Afdheer ee Ismaamulka Soomaalida Dalka Ethopia.
Dagaalada u dhaxeeyay labadaasi beelood ayaa inta ay Socdeen Waxaa Ku geeriyooday inta la ogyahay ilaa 25 qofdood,halka Tiro intaa Ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo colaada labada beeloodna ay salka ku haysay muran Dhul laga qoto cusbada iyo Waro biyoodyo oo labada dhinac ay isku maandhaafeen.
Deegaanada lagu dagaalamay oo labada dhinacba ay ku muransan yihiin ayaa waxaa ka mid ah Tuulooyin dhanka Waqooyi kaga beegan Degmada Luuq,kuwaasi oo kala ah Karaban,Dulmurux,Warcadeey iyo kuwo kale,waxaana jirey dad lagu qiyaasay ilaa 1258 qoys inay dagaalada aawadood ugu barakaceen Aqaladoodii.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan nabadeed ee haan ay wadagaareen labada Beelood ayaa waxaa si weyn looga soo dhaweeyey Gobolka Gedo iyo Gobolada deriska la ah,iyadoo waxgarad kale gedisan oo ku dhaqan Gobolkuna ay ku tilmaameen hesdhiiskani talaabo horey loogu qaadey dhanka Nabada.
A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere
http://www.gedonet.com/index.php?news=3099



