Diyaarad Military oo qal qal galisay Xalay daganaashiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Baardheere.19.June.2008.(Sh.M.Network)- Diyaarada Mileteri oo aan la aqoon Halka laga Leeyahay Ayaa Xalay Qalqal dhanka Amaanka Galisay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Diyaarad Dagaal oo Joog hoose ku socota ayaa xalay Lagu Arkay iyadoo Dul heehaabeeysa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo Taasi oo qalqal Weyn ku abuurtay Dadka Ku nool Baardheere iyo Daafeheeda.
Dadka ku noo Magaalada Baardheere oo Idaacada Shabelle ay la xirirtay ayaa sheegay in ay Xalay Fiidkii ay Diyaarada Guuxeeda uu Aad u Weynaa Ay Ku dhawaad Laba Saacadood ay iyadoo Joog hoose ku socota dul heehaabeeysay Magaalada Baardheere iyo tuulooyinka ku xeeran.
Gudoomiya Degmada Baardheere Max'ed Xirsi Dhudi Ayaa waxaa uu Idaacada Shabelle u xaqiijiyay arinta Diyaaradani waxaana uu shegay in aysan Garan Karin Wax uu la xiriiro Diyaaradani Wareega ay ku sameeysay Magaalada Baardheere iyo Wax xili habeen ah ku soo beegay.
Gudoomiyaha Degmada Baardheere ayaa waxaa uu tilmaamay in diyaaradani ay aheeyd mida basaaska ee laga leeyahay Dalalaka Shisheeye isla markaana dhawaanahan laga soo sheegayay qeeybo ka mid ah Gobolada Konfureed ee dalka Soomaaliya.
Dadka Ku nool Magaalada Baardhere iyo Daafeheeda ayaa waxaa ay Saaka Si weyn u hadal hayaan diyaarada xalay dul heehaabeeyay Magaalada Baardheere iyo Daafeheeda kuwaasi oo fikarado kala duwan ka bixinayay.
Waa markii ugu horeysay ee Diyaarad sidan oo kale ah lagu arko iyadoo dul heehaabeeysa hawada sare ee Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Shabelle Media Network Somalia.
http://www.shabelle.net/somali/2008/06/ ... eere-ee-go



