Gobolka Gedo oo ay gaareen boqalaal reer guuraa ah oo ka yimid Galgaduud
Posted by Gedo
Saturday, June 21 @ 09:56:59 EDT
Headline News
Qeybo badan oo kamid ah gobolka buuraleyda ah ee Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa si isdaba joog u gaarayey dad reer gaaraa ah oo wato xoolo, kuwaasoo ka soo tagay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartahamaha Somalia kadib markii ay abaare ba'an ku dhufteen.
Boqalaal qoysas reer miyi ah oo ay wehliyaan xoolahahooda oo isugu jira Geel, Lo' iyo Ari ayaa dhowrkii maalmood ee u danbeeyey si xiriir ah u gaarayey degmooyin ku yaala waqooyiga iyo bartamaha gobolka Gedo, qoysaskan oo ka soo baxay degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa meelaha ay tageen waxaa kamid ah dhulka miyiga ah ee ku dherersan magaalada Luuq iyo deegaanno u dhaw dhaw degmada Buurdhuube.
Xoola dhaqatadan oo ka soo jeeda gobolada Gedo, Galgaduud iyo J/hoose ayaa Gedo ka helay dhul daaqsin ah iyo deegaan wanaagsan, waxaana soo dhaweeyey dadka dhigooda ah ee halkaasi ku dhaqan, xoolaha ay wataan oo Lo'du ay u badan tahay ayaa wararka halkaasi naga soo gaarayo ay sheegayaan in baad iyo biyo ay heshay, kana soo kabatay abaarta looga soo hayaamiyey Galgaduud.
Si kastaba ha ahaatee goobaha ay tageen reer miyigan ayaa waxaa ay noqdeen meelo ay si aad ah dadka ugu badan yihiin, waxaana tani loo arkaa in ay tahay midii ugu horeysay ee sanadooyinka dhacdo oo masaafe intaas la'eg ay reer guuraa kaga soo baxsadaan abaare daba dheeraaday.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=507





