Gen. Moorgan, oo sheegay in gobolka Gedo uusan maamul lahayn.
[2008-07-06 21:58:04] Gen. Max'ed Saciid Xirsi (Moorgan) oo dhawaan (05/07/08) waraysi siiyeey idaacadda VOA, ayaa sheegay in gobolka Gedo uu ka mid yahay gobollo aan maamul lahayn. Taas oo wax lala yaabo ah maxaa yeelay gobolka Gedo wuxuu leeyahay maamul heer tuulo degmo illaa heer gobol ah oo la soo doortay, kaas oo marxaladihii uu soo maray Soomaalida iyo adduunkuba ay wadda ogyihiin.
Layaabka kale, Gen. Moorgan, Mar wax laga waydiiyeey sida uu u arko xal u helida Kismaayo ayuu sheegay in sida kaliya ee xalku ku jiro ay tahay in Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta loo daayo arrinta Kismaayo, taas oo sida uu yiri heshiisiin doonta beelihii horey ugu dagaalamay. Isagoo intaa ku daray sida uu hadalka u dhigay in Xildhibaanada hadda ku sugan Kismaayo (Gen. Axmed warsame, Bare Hiiraale, Yuusuf Kaanti iyo Nuur Mataan) ay guryahooda iska joogaan.
Wasaaradda Dib u heshiisiinta ee uu generaalku sheegayo meel Kismaayo ka daran oo ay dib u heshiisiin ka samayso ma wayday? Somaliland iyo Puntland, ma heshiiyeen?
Gobollada Jubooyinka oo Kismaayo ka mid tahay waa nabad marka loo eego gobollada dalka ee kale. Waxaana nabad iyo dib u heshiisiin kismaayo uga baahi badan Muqdisho oo generaalku ku nool yahay, Hiiraan, labada shabeelle iyo Puntland. Qof kasta oo caqli leh wuu garan karaa in arrintaas Gen. Moorgan sheegay ay tahay mid ay ku jirto ujeeddo qarsoon. Waxana horey sidaas oo kale u sheegay C/laahi Yuusuf, Xuubsireed iyo C/Risaaq Ashkir Cabdi, kuwaas oo dhamaantood si hoose isugu xiran.
Annigoon doonayn in aan wax badan ku talaxtago, haddana waxaan hubaa in uusan Mooragan runta ka sheegin su'aal la waydiiyeey oo ku saabsan shaqada uu dowladda Cabdullahi u hayo, taas oo u sheegay in uusan xil ka hayn.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira qorshe aan cusbayn oo ay waddaan Cabdullahi Yuusaf iyo taagerayaalkiisa kuna saabsan kismaayo, kaas oo ay isu sheegeen in sida kaliya ee ay mar Kismaayo gacanta ugu dhigi karaan ay tahay iyagoo yiraahda dib u heshiisiin baan wadnaa. Kismaayo iyo dalka Soomaaliya oo dhan kama jiraan beello si gaar ah dagaal u dhex-maray.
Mar kale, waxaan ognahay in gen. Moorgan uu dadka reer Muqdisho uu dagaallo wajiyo badan la soo galay, haddana uu joogo isagoon cidna kula heshiin, Kismaayo maxay Muqdisho uga duwan tahay?
Ugu danbayntii, marka la eego arrimaha ku saabsan gacan ku haynta Kismaayo waxaa socda howlo lugu doonayo in lugu qabsado kuwaas oo huwan shaati dowladdeed (dib u heshiisiinta).
A. Gurato
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=878