Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maamulka Gedo oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Morgan

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

Maamulka Gedo oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Morgan

Postby CoolPoisoninthisbijj » Tue Jul 08, 2008 9:20 am

Maamulka gobolka Gedo ayaa ka carooday, jawaab adagna ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeeray Gen: Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), kaaso meela ka tirsan Jubbooyinka caro ka abuuray, iyadoo maamulka Gedo oo arrintaasi ku tilmaamay mid la iska yiri oo aan ka fiirsasho laheyn.



Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) oo shir jaraa'id ku qabtay maanta xarunta gobolka ee Garbahaarey ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Gen: Moorgan uu yahay mid ay siyaasadii ka danbeysa oo lagu riixayo sida Farey uu hadalka u dhigay in luuqad uusan laheyn Gen: Moorgan loo adeegsanayo, isagoo xusay in arrimaha gobolka Gedo ee uu ka hadlay Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) ee la xiriiro maamul iyo dib u heshiisiin u baahan yahay gobolka ay tahay arrin cawaaqib xumo abuuri karto.



''Moorgan anaga waa naqanaa waxaa uu kamid yahay hoggaamiye kooxyada, ma dooneyno arrimaha daaqilka ee gobolkeena uu in uu soo farageliyo, hadalada Idaacadaha uu ka sheegay waa kuwa cadaawad iyo cawaaqib xumo isaga ku abuuri karo, Moorgan kamid ma ahan dadka deegaanka ee gobolkan, maamulkiisa ayuusan ka hadli karin, dib u heshiisiin kama hadli karo, waa ku khalad'', ayuu si caro leh u yiri Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey), mar uu saxaafadda u waramayey, isagoo intaasi sii raacsaday in dib u heshiisiin uu gobolka Gedo galay, cid maanta dagaalsana aysan jirin oo heshiis lawada yahay.



General Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) ayaa toddobaadkii hor wareysi uu siyeey Idaacadda VOA-da, qeybteeda Afka Soomaaliga oo uu ammuuro badan kaga hadlay ayaa waxyaabaha uu carabka ku dhuftay waxaa kamid ah gobolka Gedo oo uu sheegay in uu dib u heshiisiin u baahan yahay iyo sida uu yri maamul loo dhiso.



Gen: Moorgan oo ah sargaal militeri ayaa kamid ahaa hoggaamiye kooxyadii Somalia kuwoodii ugu caansanaa, magaalada Kismaayo ee xeebta ku taal ayey dhowr jeer ku hardameen jabhadii uu hoggaaminayey iyo ciidamadii Isbaheysiga Dooxada Jubba, markaasoo Generalka dagaallo badan looga awood roonaaday.




C/laahi Maxamed Cali Gedoweb, Ohio Columbus USA.

http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=565

CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

Re: Maamulka Gedo oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Morgan

Postby CoolPoisoninthisbijj » Tue Jul 08, 2008 9:20 am

:up: :up: :up: :up: Farey


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests