Idaaradda Ururka H.G.Jubbooyinka Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray
Jul 10,2008
by Toronto-GEDO-NN
Deggaanada Laascaanood iyo Laasqoray inay noqdaan Garoomada ay ku sameeyaan Dhoolatuska Hoobiyayaasha Maleeshiyooyinka Soomaaliland iyo Puntland ma aha wax la qaadan karo.
Idaaradda Ururka H.G.Jubbooyinka waxay si kulul u cambaareynayaan Maleeshiyooyinka Ismaamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland oo caadeeystay inay ka dhigtaan waddo halaqyo mareen Deggaanada Laascaanood iyo Laasqoray.
Waxaan uga tacsiyeeynaynaa Muwaadhiniinta Deggaanada Laascaanood iyo Laasqoray shacabka sida ay Maleeshiyooyinkaasi sida xaqdaradda ugu xasooqeen. Waxaan aad uga xunnahay weerarada joogtada ah oo lagu hayo Shacabka deggaanadaas oo aan la garaneyn waxa ay u soo weerarayaan Maleeshiyooyinka Ismaamul Goboleedyada Puntland iyo Somailand. Waxaan kale ugu baaqeynaa inay masuuliyiinta Gobolada Jubbooyinka ee Gedo, Jubbada/Dhexe, iyo Jubbada Hoose oo aan weli dhisan Ismaamul goboleedka Jubbaland inaysan ka seexan mowqifkii uga aadanaa arrinkaa.
Idaaradda Ururka H.G.Jubbooyinka
http://www.gedonet.com/index.php?news=3315



