Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

BAAQ BEESHA ABSAME LOO SOO JEEDIYEEY

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

BAAQ BEESHA ABSAME LOO SOO JEEDIYEEY

Postby CoolPoisoninthisbijj » Sat Aug 02, 2008 2:22 pm

KU: Hoggaanka iyo Waxgaradka Beesha Absame ee Jubooyinka

KA: Waxgaradka Beesha Sade ee gudaha wadanka iyo dibadda.

Ujeeddo: Sii Dayn Iraad Max'ed Cali

Annagoo tixgalinayna duruufaha adag ee ay horey ula silicsanaayeen shacabka Jubooyinka; xoojinaynana baaqii horey uu u soo jeediyeey afhayeenka beesha Sade ee Jubooyinka Xasan Dheere, waxaan Odeyaalka Dhaqanka iyo waxgaradka beesha Absame ugu baaqaynaa in la sii daayo Col. Iraad Max'ed Cali, oo 26-kii bishii July dableey beesha Absame ah ay ku afduubteen degmada Dhoobley.

Sidoo kale, waxgardka beesha Sade, waxaan iyagana u soo jeedinaynaa in arrinta wadahadal lugu dhameeyo maadaama arrintu tahay shirqool loo dhigayo guud ahaan shacabka Jubooyinka gaar ahaan labada beelood ee walaalaha ah (Absame iyo Sade).

Waxaan si waddajir ah waxgaradka labada beelood iyo ummadda Soomaaliyeed ee kale ee ku nool gobollada Jubooyinka u soo jeedinaynaa in ay ka feejignaadaan iska horkeenka laga soo abaabullo Muqdisho iyo Nairibi, kuwaas oo looga xunyahay nabad ku wadda noolaanshaha shacabka Jubooyinka gaar ahaan Absame iyo Sade.

Warar xog-ogaal ah oo laga helayo Muqdisho iyo Nairobi waxaay xaqiijinayaa in ay jiraan mu'aamaraddo ku saabsan sidii gobollada Jubooyinka oo hadda nabad iyo isfaham bulshada dhexdeeda ahi ay ka jirto, dagaallo looga ridi lahaa.

Sidaas daraateed, waxaan walaalahayo Absame ka codsanaynaa in la siidaayo Col. Iraad Max'ed Cali si sharuud la'aan ah, wixii tabasho ah ee beesha Absame ay Sade ka tirsanaysana ay sheegtaan.

http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=920

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 2 guests