Siyaasiga Xareed Cali Durdur Oo Caawa Lagu Dhaawacay Magaalada Kismaayo
Aug 03,2008
byKismaayo-GEDO-NN
Siyaasiga Xareed Cali Durdur oo ka mid ah guddiga siyaasiinta ee beesha SADE ee maamulka jubbooyinka ayaa caawa kooxo hubeysani ay ku dhaawaceen agagaarka hoygiisa magaalada Kismaayo oo markaasi u sii hoyanayay.
Siyaasiga Xareed Cali Durur ayaa dhowaaciisa haatan lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Kismaayo, iyada aan la ogeyn kooxaha ka dambeeya dhowaaca loo geystay siyaasigaasiga iyadoo ay xilli habeenimo ah uu falkaasi ka dhacay magaalada.
Waxii ka soo kordha weerarka lala beegsaday siyaasiga Xareed Cali Durdur ayaa idin la socod siin doonaa.
GEDO-NN-Baardheere
http://www.gedonet.com/index.php?news=3464



