J/Hoose: Xasan-Turki iyo jidgooyo uu dhigtay lagu luq-luqday
[2008-08-23 18:45:14] Wararka ka imaanaya J/Hoose iyo magaala kismaayo oo ay masiibadu ka dhacday ayaa waxay sheegayaan in ciidan uu leeyahay Xasan-Turki oo meesha lagu magacaabo Siinka dheer jidgooyo dhigtay ay foodda isdareen ciidankii Barre Hiiraale.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay dhibaato xoog leh ka soo gaartay ciidanka Xasan-Turki oo la sheegay in rag badan lagaga laayay isla markaasna 4 baabuur laga qabsaday.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dhaawac fudud uu soo gaaray Xasan-Turki laftiisa. Dhaawac fara badan oo ciidanka Xasan-Turki ka soo gaaray dagaalkaan ayaa si isdaba joog ah loo keenayaa magaalada Kismaayo.
Allwariye
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=958



