Ma xaq baa in maxbuus dhaawac ah la laayo? Yayse yihiin kuwa ku kacay falkaas Naxariis darada ah? Maxaase hadda la Gudboon Beesha loo Geystey falkaas?
Marka hore waxaan Tacsiyo u dirayaa guud ahaan Shacabka Somaliyeed gaar ahaan eheladii dhalinyarada lagu xasuuqay Degmada Kismaayo shalay iyo xalay. Waxaan leeyahay Ilaahay Samir iyo Iimaan had idinka siiyo ayagana dambi dhaaf iyo jaanno ha'oogu bedelo dhibkii loo gaystay.
Dhacdani waa mid fajac iyo naxdin ku noqotay guud ahaanbo shacabka taagta daran ee Somaliyeed. Waa in filan waa ah markii la eego caqliga saliimka ah iyo cilmiga (mid Islam iyo mid kala bo), Waa mid gef ku ah Diinta Alle (SW) oo aan sal iyo raad ku lahayn dhaqanka Islaamka iyo midka Somaliyeed midna. Waa mid ku salaysan, nacas-nimo, fulay nimo, jahli, qabiil, iyo takfiirnimo. Waa dhacdo aan horay looga baran dagaalladii Jahliga iyo fitanka ahaa ee Somali ka dhex-taagnaa abid. Waa mid ka timid dhan aan marnabo laga filayn.
Tacsi iyo cambaarayn kadib, waxaan Shacabka Somaliyeed xasuusin lahaa in cid kasto oo aan Alle (SW) ahaynbo qaladanto, waxaase ugu wanaagsan ciddda qalad-keeda garwaaqsato ka xaaltanto. In kasto oo dhacdadu aysan ahayn mid laga filanayay Maxaakiimta Islaamka iyo kooxda Shabaab ee waxaa laga quud-darraynayay in ay iyagu yihiin kuwa bad-baadinayo shacabka dabaqayana Kittaabka Alle, ayay hadana tahay tani tii lagu kala ogaan lahaa waxa ay dhab ahaantii yihiin Maxaakiimtu iyo shabaab, sidaa darteed waxaan idin xasuusinayaa dulqaad iyo samir dhabar adag madama ay noqdeen niman huwan shaati qabiil ee aan marna ka talineyn danta ummada Soomaaliyeed.
Waa su'aale, maxaa kallifay in ay Maxaakiimtu laayaan rag dhaawac ah, maxabiis dagaal ah oo iyaga kala soo baxay guryo ay u yaleen dhawacnimo raggaas la layey oo tiradoodu kor u dhaafey 40 meeyo? In kastoo aysan jirin haba yaraatee wax oo loogu qiil bixiyo suurta galnimada dhacdadaan naxariis darrada ah, hadana ay muhiim tahay in la baaro waxyaabaha kalifaay. Waxaan filayaa dhacdadu in aysan ahayn mid ay Maxaakiimta iyo shabaabku u dhammaayeen, balse ay fuliyeen kuwo babab khaas ah ka lahaa oo laga yaabo ujeedadooduna ay ah salka ku hayso mid ah qodobada hoos ku xusan oo kala ah Jahli iyo aqoon la'aan, Durbaanno Qabiil.
Jahli iyo aqoon la'aan
Jahligu waa curiyaha koobaad ee udub-dhexaadka u ah dhibka maanta Somaliada kala haysta. Qofku marka uusan aqoon lahayn, maleh kala doorasho. Balse waxaa is waydiin mudan, ciidanka Maxaakiimtu iyo Shabaab sooma ahayn in ay aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanbo dhaamaan kuwii qab-qablayaasha dagaalka? Ciidamadii Qab-qablayaasha oo runtii ahaa kuwo ka jaahilsan kuwa Maxaakiimta ayaa garan jiray in ay bad-baadiyaan inta badan dhaawaca iyo maxaabiista dagaalka ay kaga qabsadaan beelaha kale. Maadaama ay taa jirto, jahliga kaligiis ma noqon karo sababka loo laayay raggaan.
1) Durbaanno Qabiil
Duubaanno qabiil ayaa waxay noqon kartaa mid dad badani is oran karaan waa sababa loo dhaawac tiray rag awalbo toodi u il-darnaa oo ay isugu darsantay daawac iyo maxbiisnimo. Waa su'aale, Maxaakiimtu iyo shabaab ma qabiil gooni ah bay ka soo jeedaan? Dhab ahaantii Maxaakiimtu iyo shabaab waa dad isku dhaf Somaliyeed ah oo mab-da qura ah ku bahoobay; balse waxaa dhici kara in qowlaysato ujeedo qabiil ugu jira in ay gaysteen dhibkaan. Dhanka kale, ma ahan mid dagaalladii qabiilka qudhiisa lagu yaqiin.In kastoo aan la'oran karin dhacdani waa mid ugub ku ah taariikh qabyaaladeedka Somalida, hadana waa mid inta badan laga xishoon jiray oo ceeb ku ahayd ciddii samaysaa. Sidaa darteed qabiilkii qudhiisu waxaad mooddaa in uusan noqon karin sababka rasmiga ah ee loo laayay Raggaa.
Maalintii Xasuusta Mudneyd Ee Bu,aale Lagu Dhawac Tirey Dhalinyaradii Beesha Sade Bal iyana Aynu Jaleecno.
Taariikhdu Markey ahay 22/10/06 ayey ahayd markii dagaal qaraari dhexmarey Ciidamadii Bare Hiiraale iyo Huwantii Huwaneyd magac diimeed.Maalinkaas ayaa dagaal waxaa looga itaal roonadey meelashiyadii Bare Hirale cimillada roobkii jirey awgeed.Ka dib ayey huwanta huwan magaca diimeed ay gacant ku dhigeen maxabiis dagaal ka dibna ay dhawac tireen markii ay gacanta ku hayeen muddo 8 cisho taas oo amakag iyo fajac ku ridey dhamaan calamka oo ku nqotey lama filaan iyo loo qaadan waa.Xaqiiqda jirta ayaa waxay tahay in arrimahaas jira oo dhani ay shaqul ku leeyihiin qabiil ayna taasina aya tahay mid loo horseeday dadka amase qabiilooyinka kale ay ugu daydaan kuwaas falalka xun xun uu geystey Biri ma geydada.
Runtii waxaa aad iyo aad wax looga xumaado ah in nimaankaas shaatiga diimeed huwani ay sii wadaan waxii horey ay u sameyeen oo in markastaba ay dhawac tiraan maxbiis dagaal. Waxaa xaqiiq ah in shalay ilaa xalay ay dhawac tireen maxbuusyo gaadhaya 40 nin oo ahaa dhawac oo ka soo jeeda beesha sade.
Gebagebo: Bal Aan Fiirino Waxay Taariikhdu Suubiso Beryahan Soo Socda. Maxaakiimta iyo Shabaab oo si hal-haleel ah, oo aan kala har lahayn taageero uga helay shacbiga Somaliyeed badankiisa ayaa waxa dhacday in ay ku kaceen wax aysan xittaa qab-qablayaashii dagaalku caadadoodii xumayd ka daran. Aniga oo tix galinaya nuqsaanta sunnada Rabbi ah ee Banii-Adanku ku lamaan, ayaa waxaan ka dhowrayaa sida ay Maxaakiimtu Caddaladdooda tahay. In ay noqdaan kuwa ka daran ama la mid ah qab-qablayaashii dagaalka oo aan cidna loo raacan jirin wixii ay Maleeshiyaadkooda gaystaan, ama ay noqdaan dad Qaldama Sharciguna qabto. Taasina waxaa noo kala cadayn doona hadbo sida ay ula tacaalaan dhacdadaan ay u geysteen biri ma geydadaas dhawaca ahayd.
Mohamed Abdi Osman
Xasanmuli@hotmail.com
Somalia,Sool Region,
Las-anod.
Consultant Sonogist
las-anod hospital
http://www.allwadani.com/allwadani%20newsdesk_copy(1071).htm