Barre Hiiraale oo Gaarey Baamba Xaliimo
Baardheere [SSMC] Aug 2008-Maamulka magaalada Kismaanyo looga itaal roonaadey ee uu hoggaaminayo Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa laga soo sheegayaa warar Iskhilaafsan,kaas oo sheegaya in Xildhibaanka uu soo gaarey dhaawac,hase yeeshee xiriirro badan oo aan la sameyney dad ku sugan Baardheere,Ceelwaaq iyo Garbahareey ayaa sheegaya inuu Barre bad qabo oo uusan wax dhaawac ahi soo gaarin.
Sidoo kale markii Baardheere Ciidamada Mucaaridku la wareegeen ayuu socdaalkiisa ka weeciyey magaalada Baardheere oo uu ku wajahnaa,waxaana la sheegey inuu gaarey deegaanka loo yiqaanno Baambo xaliima oo ku taalla Bartamaha Ceelwaaq iyo Garbahareey halkaas oo uu degan yahay Ugaaska Beesha Marreexaan ee Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.
Deegaanka Baambo Xaliima ayaa degmada Garbaharre u jira 100km dhinaca Koonfur Galbeed,halka degmada Ceelwaaqna dhinaca Bari ka xigto 90km,warka ayaa intaas ku daraya inuu Barre shir kula qaadanayo ugaaska beesha,iyadoo aan la sheegin arrimaha ay ka wada hadlayaan.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada laga qabsadey magaalada Kismaanyo iyo Masuuliyiinta la socota ayaa gaarey Bartamaha Gobolka Gedo,iyadoo ay la socdaan Boqolaal ka tirsan maleeshiyooyinka beesha Sede,iyadoo la filayo inay halkaas ugu yimaadan Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Odeyaasha dhaqanka ee beesha iyo maamulka Gobolka Gedo.



